Maalmo jahwareersan kadib,kooxdda Blues ayaa caawa ku jiifaneysa qaab farxadleh kadib markii kooxdda tababare Antonio Conte ay 2-0 kaga badisay naadiga Hull City.
Labo gool oo ay Chelsea la timid lixdii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaartii hada soo dhamaatay ayaa ka caawisay Chelsea guul muhiim ah.
Chelsea waxaa aad muhiim ugu ahaa iney hakiso guul darooyinka xiriirka ah, Conte waxaa uu ciyaarta ka hor sheegay in dhibaatooyinka kooxdiisa ay kusoo afjari doonaan KCOM Stadium tiiyoo dhacday.
Naadiga martida loo ahaa ayaa aad u xoogan badneyd qeybtii hore ee kulanka, laakiin markii nasiinada laga yimid Willian ayaa darbo xoogan ka dhaliyay ka hor inta uusan Diego Costa ka dhigin 2-0.
Maxaa laga bartay kulankaan?
Willian ayaa dhaliyay goolkiisii 7 aad ee Premier League tan iyo bilawgii xili ciyaareedkii hore, Kaliya Diego Costa ayaa ka badan marka la fiiriyo Chelsea.
Chelsea ayaa ku fashilantay iney shuut toos ah sameyso qeybtii hore ee kulanka taas oo ka dhigan labo kulan oo xiriir ah oo ay sidaas ku dhaceyso waana markii ugu horeysay tan iyo bishii March 2012.
Victor Moses ayaa kusoo bilaawday markii koowaad kulan Premier League ah isagoo xiran funaanada Chelsea tan iyo bishii May 2013 taas oo ka dhigan inuu sugayay 1239 maalmood.