Waxaa maanta la soo gabagabeynayaa xilli ciyaareedka horyaalka Premier League ee 2015-16 iyadoo inta badan wax walba la xaqiijiyay marka laga reebo boosaska loogu soo baxayo tartamada Yurub ee xilli ciyaareedka danbe. Kooxda Leicester City oo hanatay horyaalka Ingariiska ayaa kulankooda ugu danbeeya booqan doonta kooxdii hanatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore ee Chelsea, iyadoo ciyaartoyda Chelsea ay sacab iyo safasho sharafeed u sameyn doonaan xiddigaha Claudio Ranieri marka ay soo galayaan maanta garoonka, iyadoo kooxda Blues aysan jirin wax ay u ciyaarayaan.
Kooxda Arsenal ayaa iyagana kulankooda ugu danbeeya ee xilli ciyaareedka waxa ay Emirates Stadium ku soo dhaweynayaan kooxda Aston Villa, haddii ay Gunners badiso oo Spurs laga badiyo kulanka ay la ciyaarayaan Newcastle kooxda Arsenal ayaa kaalinta labaad ku dhameysan doonta, laakiin haddii Gunners ay badiso islamarkaana Tottenham ay barbaro gasho labada kooxood isku dhibco ayay noqon doonaan laakiin Spurs ayaa farqiga goolasha aad uga badan deriskooda Gunners.
Arsenal ayaa sidoo kale ay macquul tahay inay kaalinta afaraad ee isreebreebka Champions League u dhacdo haddii ay guuldarro ka soo gaarto Aston Villa islamarkaana ay Man City ka badiso Swansea, inkastoo ay isku dhibco noqonayaan hadana farqiga goolasha waxaa badan kooxda Sky Blues.
Booska kaalinta afaraad ayaa iyadana ah mid la isku heysto maanta, Man City ayaa haatan ku jirta iyagoo labo dhibcood ka sareeya kooxda deriskooda Man United oo kaalinta shanaad ku jira kuwaasoo la ciyaaraya kooxda Bournemouth. Red Devils ayaa kaliya u soo bixi karta Champions League haddii ay ku badiyaan Old Trafford oo ay Man City guuldarro ka soo gaarto Swansea. Haddii Man City barbaro lagu qabto, waxa ay Man United u baahnaan doontaa inay ku badiso ka badna 19 gool si ay booska kaalinta afaraad u soo galaan.
Kooxda Liverpool oo rajadeeda oo dhan isagu geyneysa finalka Europa League si ay ugu soo baxaan wareega group-yada Champions League ayaa la filayaa inay maanta safaan koox u badan da’ yartooda kulanka ay u safrayaan West Brom iyagoo xooga saaraya finalka 18ka bisha Maajo ee St Jacob Park.
MAXAA KA CUSUB KULANKA ARSENAL v ASTON VILLA
Xiddiga khadka dhexe Jack Wilshere ayaa ku soo bilaaban kara kulankiisii ugu horeysay ee Arsenal tan iyo maalintii ugu danbeysay ee xilli ciyaareedkii hore isagoo sarre u qaadaya taam ahaanshihiisa ka dib lug ka jabtay.
Mesut Ozil ayay u badan tahay inuu ciyaaro ka dib markii uu dhaawac sinta ah ku seegay kulankii isbuucii hore, laakiin Danny Welbeck ayaa sagaal bilood maqnaan doona ka dib qaliin looga sameeyay jilibka.
Daafaca garabka ka ciyaara ee Aston Villa Aly Cissokho ayaa diyaar ah ka dib ganaax uu ku maqnaa halka Rudy Gestede isna laga yaabo inuu ka soo laabto dhaawac gumaarka ah.
Alan Hutton iyo Ciaran Clark ayaa shaki ku jiraa iyagoo kala qaba dhaawacyo kubka iyo canqowga ah.
SHAXDA MACQUULKA AH EE ARSENAL v ASTON VILLA
Arsenal (4-2-3-1): Cech; Bellerin, Koscielny, Gabriel, Monreal; Coquelin, Wilshere; Sanchez, Ozil, Iwobi; Giroud.
Aston Villa (4-3-3): Bunn; Toner, Clark, Richards, Hutton; Westwood, Sanchez, Gueys; Sinclair, Gestede, Ayew.
MAXAA KA CUSUB KULANKA CHELSEA v LEICESTER CITY
Goolhayaha Chelsea Thibaut Courtois ayaa ka soo kabsaday xumad uu la maqnaa ka hor kulanka ay soo dhaweynayaan kooxda heysata horyaalka ee Leicester City.
Branislav Ivanovic ayaa ka soo laaban kara dhaawac gumaarka ah laakiin Diego Costa, Loic Remy iyo Kurt Zouma ayaa maqan, halka John Terry uu ganaax ku maqan yahay.
Xiddiga khadka dhexe Danny Drinkwater ayaa diyaar ah ka dib ganaax uu soo dhameystay laakiin Robert Huth ayaa dhameysanaya ganaax.
Gooldhaliyaha ugu sareeya Jamie Vardy ayaa la filayaa inuu ciyaaro inkastoo uu sabtidii hore soo gaaray dhaawac muruqa ah.
SHAXDA MACQUULKA AH EE CHELSEA v LEICESTER CITY
Chelsea (4-2-3-1): Courtois; Azpilicueta, Cahill, Mikel, Rahman; Fabregas, Matic; Pedro, Willian, Hazard; Traore.
Leicester City (4-4-2): Schmeichel; Fuchs, Wsilewski, Morgan, Simpson; Schlupp, Kante, Drinkwater, Mahrez; Okazaki, Vardy.
MAXAA KA CUSUB MAN UNITED v BOURNEMOUTH
Daafaca Man United Matteo Darmain ayaa la filayaa inuu mar kale dhaawac canqowga ah ku seego kulankaan.
Adnan Januzaj ayaa ku maqan dhaawac muruqa ah, Marouane Fellaini isna ganaax ayuu ku maqan yahay, halka Bastian Schweinsteiger iyo Luke Shaw ay weli dhaawac yihiin.
Bournemouth ma qabto wax dhaawac cusub ah laakiin tababare Eddie Howe ayaa laga yaabaa inuu isbedel ku sameeyo shaxdiisa maanta.
Daafacyada Sylvain Distin iyo Adam Smith ayaa iyaga weli dhaawacyo ku maqan.
SHAXDA MACQUULKA AHE EE MAN UNITED v BOURNEMOUTH
Man United (4-2-3-1): De Gea; Valencia, Smalling, Blind, Rojo; Schneiderlin, Carrick; Lingard, Rooney, Martial; Rashford.
Bournemouth (4-4-2): Boruc; Daniels, Cook, Elphick, Francis; Gradel, Surman, Arter, Stanislas; Wilson, King.
MAXAA KA CUSUB KULANKA SWANSEA v MAN CITY?
Xiddigaha Swansea ee laga yaabo inay ka qeyb galaan Euro 2016 ee kala ah Ashley Williams, Neil Taylor, Gylfi Sigurdsson iyo Lukasz Fabianski ayaa dhamaantood la nasasiin doonaa.
Goolhaye Kristoffer Nordfeldt ayaa safar doona kulankiisii ugu horeysay ee Premier League laakiin Jefferson Montero iyo Alberto Paloschi ayaa ku maqan dhaawacyo muruqa ah.
Xiddiga Manchester City Aleksandar Kolarov ayaa shaki uu ku jiraa halka Samir Nasri uu markale diyaar ka yahay ka dib xumad heysay.
Vincent Kompany, David Silva iyo Pablo Zabaleta ayay hubaal tahay inay seegayaan kulankaan.
SHAXDA MACQUULKA AH EE SWANSEA v MAN CITY
Swansea (4-2-3-1): Nordfeldt; Naughton, Fernandez, Amat, Kingsley; Cork, Fer; Barrow, Ki, Routledge; Ayew.
Man City (4-2-3-1): Hart; Clichy, Mangala, Otamendi, Sagna; Toure, Fernandinho; Sterling, De Bruyne, Navas; Aguero.
MAXAA KA CUSUB KULANKA WEST BROM v LIVERPOOL
West Brom ayaan laheyn wax dhaawacyo cusub ah ka hor kulanka ay soo dhaweynayaan kooxda Liverpool.
Xiddiga khadka dhexe James Morrison ayaa rajeynaya inuu ciyaaro ka dib markii uu ku soo laabtay tababarka ka dib dhaawac uu muddo dheer ku maqnaa.
Weeraryahanka Liverpool Danny Ings ayaa ciyaari kara markii ugu horeysay tan iyo markii uu jilibka ka dhaawacmay bartamihii bishii Oktoobar.
Jordan Henderson ayaa soo laaban kara ka dib shan isbuuc oo uu dhaawac jilibka ah ku maqnaa halka Divock Origi ayaa ka soo kabsaday dhaawac canqowga ah.
SHAXDA MACQUULKA AH EE WEST BROM v LIVERPOOL
West Brom (4-2-3-1): Foster; Dawson, McAuley, Olsson, Evans; Yacob, Fletcher; Leko, Sessegnon, McClean; Rondon.
Liverpool (4-2-3-1): Ward; Smith, Lucas, Martin Skrtel, Flanagan; Joe Allen, Stewart; Ojo, Teixeira, Jordan Ibe; Christian Benteke.
0 comments:
Post a Comment