Laakiin soo laabashada Wayne Rooney ayaa aad muhiim ugu ah Manchester United oo doonaysa in ay u tartanto kaalinta afraad ee horyaalka Ingiriiska iyo waliba tartanka FA Cupka oo ay marka hore kulan ku celis ah la yeelan doonto kooxda West Ham United, laakiin Rooney ayaan wali taam u ahayn in uu ciyaaro kulanka muhiimka ah ee ay Man United la booqan doonto kooxda Tottenham.
Louis Van Gaal oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Tottenham ayaa xaqiijiyay in Rooney uu ku soo laabtay tababarka isla markaana uu u ciyaari doono kooxda da’yarta Man United ee U21 wuxuuna yidhi: “Si aad iyo aad u fiican ayay u socotaa, waxa uu Rooney u ciyaari doonaa da’yarka U21 ka, ka soo kabsashadiisu si aad u fiican ayay u socotaa. Laba jeer ayuu anaga tababarka nala qaatay, laakiin waxaa qasab ah in uu taam ahaanshiisa soo dhiso”.
Waxa kale oo tababarka Manchester United dib ugu soo laabtay xidigaha waqtiga dheer maqnaa ee Ashley Young iyo Phil Jones laakiin sida la filan karo wali taam u maha aha kulanka Tottenham. Dhaawacyadii Man United ayaa hadda ku soo yaraaday saddex ciyaartoy oo kaliya waxaana wali sii maqnaan doona Bastian Schweinsteiger, Luke Shaw iyo Adnan Januzaj.
KULAMADA MANCHESTER UNITED UGA HADHAY PREMIER LEAQUE:
Sun Apr 10: Tottenham (marti)
Wed Apr 13: West Ham (marti ku celiska FA Cupka )
Sat Apr 16: Aston Villa (minan)
Wed Apr 20: Crystal Palace (minan)
Sun May 1: Leicester (minan)
Sat May 7: Norwich (marti)
Tues May 10: West Ham (marti)
Sun May 15: Bournemouth (minan)
0 comments:
Post a Comment