Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada rekoodhada cusub ee uu ka dhigayo horyaalka Spain ee La Ligaha isaga oo kulankii Eibar ee ay Real Madrid 4:0 ku badisay noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee La Ligaha ka dhaliyay 30 gool ama wax ka badan lix xili ciyaareed oo xidhiidh ah.
Ronaldo ayaa hal gool ka dhaliyay kulankii Eibar isla markaana laba gool oo kale caawintooda lahaa wuxuuna sidaa dhigay rekoodh isaga u khaas ah. Cristaino Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 30 aad ee xili ciyaareedkan ee kulamada La ligaha si uu sare ugu qaado hamigiisa ah in uu ku guulaysto gool dhalinta La Ligaaha iyo waliba kabta dahabka ah ee Yurub oo uu isagu haddaba difaacanayo.
Ronaldo ayaa la goolal noqday xidiga kooxda Benfica ee Jonas iyo xidiga kooxda Napoli ee Gonzalo Higuain oo wada leh min 30 gool laakiin Higuain ayaa kulanka todobaadkan ganaax ku seegaya waxaana la ogaan doonaa in rafcaanka ay kooxdiisu ka qaadatay uu noqon doono mid lagu guulaysto. Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii ugu horeeyay Madrid dhaliyay 26 gool balse tan iyo xili ciyaareedkiisii labaad ayuu soo gaadhay 30 gool ama wax ka badan.
Cristiano Ronaoldo ayaa 30 gool ama wax ka badan gaadhay xili ciyaareedyadii :2010/2011 (41), 2011/2012 (46), 2012/2013 (34), 2013/2014 (31) , 2014/2015 (48) iyo xili ciyaareedkan 2015/2016 oo uu ilaa hadda dhaliyay 30 gool. Ronaldo ayaa wali haysta fursad uu ku sii kordhisan karo goolashiisa xili ciyaareedkan ee La ligaha.
Ma aha kaliya goolasha waxa uu Crisitano Ronaldo ku soo kordhiyo Real Madrid balse waxa uu xili ciyaareedkan sameeyay 10 gool caawineed isaga oo waliba laba gool caawineed ka sameeyay kulankii Eibar wuxuuna hal gool caawineed ka danbeeyaa Luis Suarez oo sameeyay 11 gool caawineed.
0 comments:
Post a Comment