Boqolaal kun ayaa isagu soo baxay wadooyinka iyadoo Leicester ay u dabaaldegtay hanashadeeda koobka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda lagu naaneeso Dawacooyinka ayaa koobka horyaalka ku soo wareejiyay bartamaha magaalada iyagoo bas dusha ka furan saarnaa, waxaana dabaaldegooda ka soo qeybgalay dad lagu qiyaasay rubuc milyan.
Wadooyinka Leicester ayaa la xiray iyadoo jamaahiirta ay isku dayayeen inay isha saaraan geesiyaashooda sida lama filaanka ah ugu guuleystay koobka horyaalka.
Kooxda ay socdaalkooda ka soo bilowday Jubilee Square ee bartamaha magaalada ka hor inta aysan soo gaarin Victoria Park halkaasoo ay kooxda ku salaameen jamaahiirtooda iyadoo xaflad gaar ah halkaas lagu qabtay.
Taageerayaasha Leicester ayaa isagu soo uruuray inay dhageystaan fekradaha raga sida Jamie Vardy, Wes Morgan iyo tababare Claudio Ranieir.
Goos-gooska waqtiyadii ugu xusuusta badnaa xilli ciyaareedka ayaa laga baahiyay shaashado waa weyn si taageerayaasha aadka u tirada badan ay u daawadaan, iyadoo gool walba oo la soo bandhigo mar kale loo dabaaldegayay.
Weeraryahanka England Vardy ayaa u sheegay Sky Sporst News: “Fiiri, waa isku soo bax aad u balaaran.
“Waxaan maqlay saaka inaan filaneyno 250 kun qof. Fiiri waxa ay u la micno tahay iyaga oo dhan. Dukaamada oo idil waa la xiray, cid walba daaqadeeda ayay madaxa ka soo dhiibaneysaa, dadka ay dul taagan yihiin saqafka kore ee guryahooda.
“Waa wax aad u fiican, alla maxay maalin tahay.
“Waa guul aan la rumeysan karin. Waan sugi doonaa ilaa iyo inta ay iga daadageyso, markaasna maalmo dhan ayaan nafteyda la sheekeysan doonaa.”
Kooxda Leicester ayaa hanatay horyaalkoodii ugu horeysay taariikhda iyagoo jira 132 sannadood, waxaana ay xilli ciyaareedka ku dhameysteen iyagoo 10 dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Arsenal.
Tababare Ranieri ayaa sidoo kale uga mahadceliyay jamaahiirta inay magaalada ka dhigeen midabka buluuga ah.
Macalinka Talyaaniga ah ayaa yiri: “Waa wax aan la rumeysan karin. Magaaladii oo dhan baa halkaan joogta, waa wax qiimo leh. Dad aad u badna ayaa faraxsan waana ku faraxsanahay taas. Waad mahadsantihiin idilkiinba.”
0 comments:
Post a Comment