(Muqdisho) 14 Maajo 2016.Kooxda Horyaalka Soomaaliya Banaadir SC ayaa xaflad si heersare loosoo agaasimay ugu dabaal degtay hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya 2015-16.
Xafladan oo ka dhacay Hotelka Makka AL Mukarama waxaa kasoo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga Maxmaed C/laahi Xasan Nuux, Wasaariirka a qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Ceynte, Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta C/qaadir Jahweyn, Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax , Guddoomiye Sharafeedka Gos C/qaadir Gacal Akbow , Madaxda Xirirka kubada cagta , Ganacsato Sakaakiil, Fanaaniin, Maamulka, Macalimiinta , Ciyaartoyda iyo Taageerayasha kooxda Banaadir SC.
Dhamaan Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa hambalyo iyo bogaadin u udiray kooxda horyaalka Soomaaliya Banaadir SC waxayna kula dardaameen in ay dadaalka halkeeda kasii wadaan. guusha ay dalka gudahiisa ka gaareena ay ku dalka dibadiisa ciyaaraha kooxaha Bariga iyo Bartmaha Afrika ay guulo kasoo hoyaan.
Dhanka kale waxaa qudbadihii lasoo j eediyay aad loogu muujiyay baahiyaha loo qabo in garoomadii dalka lahaa dib ay ugu soo laabtan kooxihii iyo xiriiradii maaluli jiray lagan wada shaqeeyo suuragelinta sidii ay u dhici lahady wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo goobta ku sugnaa aya dhankiisa sheegay in wasaaradu wado dadaalo ku aadan garoomada dib loogu heli karo taasoo muhiim u ah horumarka ciyaraha dalka.
Sidoo Kale ganacsatadi goobta ku sugnaa ayaa dhankooda ballan qaaday in ay ka qayb qaadan doonaan sare u qaadia isboortiga dalka waxayna xafladan oo ahady tii ugu wanaagsanayn ay koox dhigato ay kusoo dhamaaday jawi dadan.
Ugu dambayn waxaa maamulka kooxda Banaadir ay Shahaado Sharaf la guddoonsiisay masuuliyiinta xaflada kasoo qayb gashay iyo Bahda Saxaafadda oo isugu jiray idaacado iyo Tv, waxayna Goobjoog FM noqotay idaacada kaliya ee sedex shahaado sharaf la guddoonsiiyay Maamulka Banaadir ku qiimeeyeen doorkii wacnaa ay ka qaadatay horyaalka kubadda Cagta Soomaliya 2015-16
Kooxda Banaadir Sports Club ayaa sanadkan u dabaaldegtay hanahsadsa horyaalka Soomaaliya marki shanaad taariikhda , waxayna marki labaad ku guuleysatay iyada oo aan guuldaro la kulmin.
Daawo Sawiradda:
0 comments:
Post a Comment