Xidiga xulka qaranka Urugauy iyo kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa soo gabagabeeyay maamulkii ay Cristaino Ronaldo iyo Lionel Messi ku haysteen abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee tan iyo sanadkii 2010 kii. Suarez ayaa xili ciyaareedkan La Ligaha ka dhaliyay 40 gool si uu Cristiano Ronlado iyo xidigaha kale ugu garaaco abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi.Messi iyo Ronlado ayaa min saddex jeer ku soo guulaystay abaal marintan waxaana ugu danbayn silsiladooda soo gabagabeeyay Suarez.
Luis Suarez ayaa noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee hal xili ciyaareed La ligaha ka dhaliya 40 gool tan iyo xili ciyaareedkii 2008/09 marka laga reebo Ronaldo iyo Messi. Waxa uu sidoo kale noqday ciyaartoygii saddexda horyaal oo kala duwan oo Holland, England iyo Spain ah horyaalkooda ka dhaliyay goolal ka badan 30 gool isla markaana ku soo wada guulaystay abaal marinta gool dhalinta horyaaladan.Suarez ayaa isku soo muujiyay kooxaha Liverpool, Ajaxa, Barcelona iyo waliba xulka qarankiisa Uruguay.
Suarez ayaa taramada oo dhan ka dhaliyay 59 gool.Kaliya Suarez ku muu guulaysan gool dhalinta La Ligaha balse waxa uu sidoo kale noqday ciyaartoyga gool caawinta ugu badan sameeyay wuxuuna caawintooda sameeyay 16 gool taas oo la micno ah in uu 56 gool oo La Ligaha ah uu dhaliyay ama uu dhigay.
Luis Suarez oo guud ahaan Barcelona xili ciyaareed udhaliyay 59 gool ayaa sideed kulan ka dhaliyay 3 gool ama wax ka badan laakiin in Suarez uu gool dhalinta La Ligaha ku guulaysto ayay ka caawisay in uu shantii kulan ee ugu danbeeyay uu dhaliyay 14 gool wuxuuna u kala dhaliyay sidan min afar gool waxa uu ka dhaliyay kooxaha Deportivo iyo Sporting Gijón, kooxda Real Betis ah mar shabaqa ka gaadhay halka uu kooxda Espanyol todobaadkii hore laba gool ka dhaliyay wuxuuna ku soo gabagabeeyay saddexleydii uu kooxda Granada ka dhaliyay kulankii ugu danbeeyay La Ligaha.
Luis Suarez ayaa noqanaya ciyaartoygii 11 aad ee ku guulaysta abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi oo ka tirsan kooxda Barcelona, wuxuuna Suarez sanadkii 2010 kii iyo 2014 kii uu abaal marinta gool dhalinta Holland iyo England uu kaga soo guulasytay kooxaha Ajax iyo Liverpool isaga oo waliba sanadkii 2014 kabta dahabka ah ee Yurub ay wadaageen Cristiano Ronaldo. Suarez ayaa xili ciyaareedkan tartamada oo dhan ka dhaliyay 59 gool waana heerkiisii gool dhalinta ee abid ugu fiicnaa.
Haddaba halkan kaga bogo ciyaartoydii abaal marinta gool dhalinta La ligaha ku soo guulaystay qarniga 21 aad, kooxaha ay ka soo ciyaareen iyo waliba mid kastaaba goolasha uu ugu guulaystay abaal marintan.
Xili Ciyaareedkii: 1999-2000: Salva Balleste | Racing Santander | Kulan: 36 | Goals: 27
Xili Ciyaareedkii: 2000-01: Raul | Real Madrid | Kulan: 36 | Goals: 24
Xili Ciyaareedkii: 2001-02: Diego Tristan | Deportivo La Coruna | Kulan: 35 | Goals: 21
Xili Ciyaareedkii: 2002-03: Roy Makaay | Deportivo La Coruna | Kulan: 38 | Goals: 29
Xili Ciyaareedkii: 2003-04: Ronaldo | Real Madrid | Games: 32 | Kulan: 25
Xili Ciyaareedkii: 2004-05: Diego Forlan | Villarreal | Kulan: 38 | Goals: 25
Xili Ciyaareedkii: 2005-06: Samuel Eto’o | Barcelona | Kulan: 34 | Goals: 26
Xili Ciyaareedkii: 2006-07: R. van Nistelrooy | Real Madrid | Kulan: 37 | Goals: 25
Xili Ciyaareedkii: 2007-08: Daniel Guiza | Mallorca | Kulan: 37 | Goals: 27
Xili Ciyaareedkii: 2008-09: Diego Forlan | Atletico Madrid | Kulan: 33 | Goals: 32
Xili Ciyaareedkii: 2009-10: Lionel Messi | Barcelona | Games: 35 | Goals: 34
Xili Ciyaareedkii: 2010-11: Cristiano Ronaldo | Real Madrid | Kulan: 34 | Goals: 41
Xili Ciyaareedkii: 2011-12: Lionel Messi | Barcelona | Kulan: 37 | Goals: 50
Xili Ciyaareedkii: 2012-13: Lionel Messi | Barcelona | Kulan: 32 | Goals: 45
Xili Ciyaareedkii: 2013-14: Cristiano Ronaldo | Real Madrid | Kulan: 30 | Goals: 31
Xili Ciyaareedkii: 2014-15: Cristiano Ronaldo | Real Madrid | Kulan: 35 | Goals: 48
Xili Ciyaareedkii: 2015-16: Luis Suarez | Barcelona | Kulan: 35 | Goals: 40
Waxaa jira ciyaartoy laba jeer iyo wax ka badan ku soo guulaystay abaal marinta gool dhalinta La Ligaha, halkan ayaanad kaga bogan kartaa xidigaha mararka badan ku soo guulaystay, qaramada ay ka soo kala jeedaan iyo mid kastaaba xili ciyaareedyadii uu abaal marintan ku soo guulaystay.
Ciyaartoyga | Wadanka | Pichichi | Xili ciyaareedyada |
---|---|---|---|
Telmo Zarra | Spain | 6 | 1944–45, 1945–46, 1946–47, 1949–50, 1950–51, 1952–53 |
Alfredo Di Stéfano | Argentina | 5 | 1953–54, 1955–56, 1956–57, 1957–58, 1958–59 |
Quini | Spain | 5 | 1973–74, 1975–76, 1979–80, 1980–81, 1981–82 |
Hugo Sánchez | Mexico | 5 | 1984–85, 1985–86, 1986–87, 1987–88, 1989–90 |
Ferenc Puskás | Hungary | 4 | 1959–60, 1960–61, 1962–63, 1963–64 |
Cristiano Ronaldo | Portugal | 3 | 2010–11, 2013–14, 2014–15 |
Isidro Lángara | Spain | 3 | 1933–34, 1934–35, 1935–36 |
José Eulogio Gárate | Spain | 3 | 1968–69, 1969–70, 1970–71 |
Lionel Messi | Argentina | 3 | 2009–10, 2011–12, 2012–13 |
Guillermo Gorostiza | Spain | 2 | 1929–30, 1931–32 |
Mundo | Spain | 2 | 1941–42, 1943–44 |
Pahiño | Spain | 2 | 1947–48, 1951–52 |
Amancio | Spain | 2 | 1968–69, 1969–70 |
Mario Kempes | Argentina | 2 | 1976–77, 1977–78 |
Raúl | Spain | 2 | 1998–99, 2000–01 |
Ronaldo | Brazil | 2 | 1996–97, 2003–04 |
Diego Forlán | Uruguay | 2 | 2004–05, 2008–09 |
Ugu danbayn Luis Suarez ayaa xidigaha Yurub ku garaacay kabta dahabka ah ee Golden Shoe kadib markii uu xidigaha kooxaha PSG Napoli iyo Real Madrid ee Zlatan Ibrahimovic , Gonzalo Higuaín iyo Cristiano Ronaldo uu markale ku garaacay kabta dahabka ah ee Yurub. Ibrahimovic ayaa kaalinta labaad ka soo galay gool dhalinta yurub kadib markii uu laba gool ka dhaliyay kulankii Nantes wuxuuna yeeshay 38 gool. Gonzalo Higuaín ayaa kaalinta saddexaad soo galay kadib markii uu saddexley ka dhaliyay kulankii Frisinone laakiin gool dhalintiisa ayuu soo gaadhsiiyay 36 gool si uu kaalinta labaad ugala baxo Ronlado oo dhaliyay 35 gool.
Suarez ayaa markii labaad hantay kabta dahabka ah ee yurub wuxuuna xili ciyaareedka dhamaystay isaga oo haysta 80 dhibcood oo uu ku helay 40 gool oo uu La Ligaha ka dhaliyay iyada oo gool kasta la helo laba dhibcood.Ibrahimovic ayaa 76 dhibcood ku helay 38 gool oo Lique 1ka ah. Gonzalo Higuaín ayaa 36 gool ku helay 72 dhibcood halka Ronaldo uu 70 dhibcood kaga helay 35 gool.
0 comments:
Post a Comment