Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Sir Alex Ferguson uu ugu soo dhawaaday inuu noqdo tababaraha Manchester United sannadii 2013, laakiin uu iska diiday madaama ay mar ka sii horeysay ay dalab miiska u soo saartay Real Madrid.
Ancelotti ayaa ka sheekeeyay qado uu ku martiqaaday Sir Alex Ferguson si uu uga dhaadhiciyo inuu qabto shaqada Manchester United.
“Waxa ay aheyd qado fiican. Alex isagoo dooray qamriga, mid waliba qaali ah” ayuu macalinkii hore ee AC Milan iyo Chelsea u sheegay The Times. “Laakiin markaas waxaan la hadlay Real Madrid. Qibrad ahaan waa in tababare uu soo maro Madrid.
“Haddii aysan Real Madrid ahaan laheyn, boqolkiiba boqol waxaan imaan lahaa Man United.”
David Moyes ayaa ugu danbeyn loo doortay inuu buuxiyo booska Ferguson, waxaana uu ku guuldareystay xilli ciyaareedkii hore 2013-14, halka tababaraha haatan uu ku hoos jiro cadaadis aad u daran.
Waxaa si weyn la isla dhexmarayaa in Van Gaal la ceyrin doono, laakiin Ancelotti ayaa sheegay in xitaa tababaraha ugu qibrada badan in maalin uun ay ka maarmi doonaan kooxdiisa.
“Chelsea waxaan kula guuleystay labo gool. Waa la ii ceyriyay. Real Madrid waxaan la qaaday La Decima, waa la ii ceyriyay” ayuu sharaxaad ku bixiyay tababaraha imaanaya Bayern Munich.
“Ma jiro tababare aan waayihiisa ciyaareed la soo ceyrinin. Ferguson waa la soo ceyriyay. Marcelo Lippi waa la soo ceyriyay, Fabio Capello waa la soo ceyriyay. Jose Mourinho waa la soo ceyriyay. Rafael Benitez.
“Tababaraha kaliya ee aan la ceyrinin waa Guardiola, laakiin weli waa uu da’ yar yahay. Waxa uu heystaa waqti badan. Maalin uun waxa uu ku soo biiri doonaa group-keena, group-ka la ceyriyay.”
0 comments:
Post a Comment