Xulka Wales ayaa guul ku bilowday kulankooda ugu horeeya ee Group B ka dib ciyaar adag oo ay la ciyaareen xulka Slovakia oo ay uga badiyeen 2-1, Robson-Kanu oo bedel ku soo galay ayaa goolka guusha u saxiixay Wales xilli xiddiga kale ee bedelka ahaa ee Slovakia Duda uu kansalay goolkii uu Wales hogaanka ugu dhiibay Gareth Bale bilowgii ciyaarta.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay xulka Slovakia daqiiqadii 3aad ee ciyaarta iyadoo Marik Hamsik uu kala dhantaalay daafaca Wales, dhow ciyaaryahan ayuu hal mar meel cidlo ah kaga tagay, waxa uu xitaa kubada ku garaacay goolhaye Ward balse daafaca Davies ayaa kubada ka soo bixiyay xerada goolka, waxaana ay aheyd fursad gool loo fishay.
DAQIIQADII 10aad GOOOL!!! Gareth Bale ayaa laad xor ah oo cajiib ah shabaqa ku hubsaday isagoo cagta bidix ku soo qaaday meel 30 mitir goolka u jirta, waxaana uu hogaanka u dhiibay xulka Wales iyagoo si weyn ugu dabaaldegay goolkaas cajiib ahaa.
Gareth Bale ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee laad xor ah ka dhaliya tartanka Euro 2016 waana xiddigii ugu horeeyay ee laad xor ah ka dhaliya tartanka qaramada Yurub tan iyo markii uu Andrea Pirlo ka dhaliyay Croatia sannadii 2012.
Wales ayaana fiicneyd inta badan qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo xitaa laga diiday rigoore markii Martin Skrtel uu xerada goolka qalad kula galay weeraryahanka xulka Wales Jonny Williams. Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaan ay u qalantay ku heysay xulka Wales.
Fursadii ugu horeysay ee qeybta labaad waxaa heshay Slovakia iyadoo Mak uu ka dib maray daafaca Wales laakiin darbadiisa ayaa si ciriiri ah ku dulmartay goolka. Wales ayaana jawaab ka bixisay daqiiqadii 57aad iyadoo Bale uu u dhawaaday inuu u labeeyo hogaanka xulkiisa markii uu madax la helay karoos uu soo dhigay Joe Allen laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay goolhaye Kozacik.
DAQIIQADII 61aad GOOOL!!! Ondrej Duda oo bedel ku soo galay ciyaarta islamarkaana garoonka ku jiray ilbiriqsiyo ayaa u barbareeyay ciyaarta xulka Slovakia, Torbinski ayaa shaqo fiican ka soo qabtay garabka midig ka hor inta uusan kubada u dhigin Duda kaasoo darbada isku toosiyay islamarkaana kubada dabamariyay goolhaye Ward.
Ondrej Duda ayaa dhaliyay goolka ka dib 52 ilbiriqsi uu garoonka ku jiray, waana goolkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee uu dhaliyo ciyaaryahan bedel ku soo galay tartamada Yurub tan iyo markii uu Valeron uu ka dhaliyay Russia sannadii 2004 isagoo garoonka ku jiray kaliya 39 ilbiriqsi.
Wales ayaa fursad fiican abuurtay daqiiqadii 73aad markii xiddiga bedelka ku soo galay Robson-Kanu uu karoos fiican ka soo dhigay dhanka midig, Ramsey ayaana fursad fiican u heystay inuu madax ku dhaliyo laakiin madaxa ayuu la soo degdegay taasoo keentay inuu kubada dulmariyo goolka.
DAQIIQADII 81aad GOOOL!!! Kubad fiican oo uu soo baasay Ledled ayaa waxaa helay Ramsey kaasoo isaga sii dhacdhacaya u dhigay Robson-Kanu islamarkaana kubada ka leexiyay Skrtel, xiddiga bedelka ku soo galay ayaa laf dheerta ku dhaliyay goolka iyadoo goolhayaha Slovakia uu go’ay isalamarkaana uu kaliya indhaha ka daawanayay intii ay kubada shabaqa u socotay.
Daqiiqadii 86aad Slovakia ayaa ku dhawaatay inay barbareyso ciyaarta mar kale laakiin nasiibka ayaa diiday markii karoos fiican oo la soo qaaday dhanka bidix uu madaxa la helay Nemec laakiin waxaa soo beenisay birta.
Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka Wales, waxaana ay aheyd kulan xiiso leh oo ka dhacay magaalada Bordeaux.