Wednesday, June 1, 2016

Cadena COPE: Dhexdhexaadiye U Soo Bandhigay Kooxda Real Madrid Saxiixa Neymar

neymar-cope-madrid--1464774207042
Idaacada Isbaanishka ee Cadena COPE ayaa sheegeysa in dhexdhexaadiye ama dalaal uu u soo bandhigay Real Madrid fursad ay kula wareegi karaan Neymar. Warkaan oo uu shaaciyay joornaalistaha idaacadaan Paco Gonzalez ayaa waxaa sidoo kale la socda lacagaha lagula wareegi karo ciyaaryahanka.
Lacagta ku baxeysa howgalka soo xerogelinta Neymar ayay idacaada sheegtay inay noqon doonto 192 milyan euro iyadoo mushaharka xiddiga reer Brazil uu noqon doono 30 milyan euro, waana lacag la mid ah lacagtii ay miiska u soo saartay kooxda PSG markii ay la kulmeen wakiilada ciyaaryahanka.
neymar-cope-madrid--1464774207042
Sida Cadena COPE ay sheegeyso heshiiska qandaraas kordhinta ee Neymar ee kooxda Barcelona kaliya waa mid dhanka afka ah, mana jiro wax la saxiixay. Real Madrid waxa ay dhageysaty qordhaha uu soo jeediyay dhexdhexaadiyaha laakiin waxa ay ka warqabaan inay dhowr jeer isku dayeen inay la soo wareegaan xiddiga reer Brazil islamarkaana ay ku guuldareysteen, waxaana ay sidoo kale ka walaacsan yihiin dalabka PSG.
Haddii Neymar uu u wareego Real Madrid waxa ay la micno noqoneysaa kala jabka BBC, iyadoo ay tahay in midkood uu baxo sida ay sheegtay COPE, waxaana ay sheegeen in qofkaas uusan marnaba noqon doonin Ronaldo, sidaasi darteed Bale ama Benzema ayaa bixi doona.

0 comments:

Post a Comment