Iyadoo la dhameystiray liiska rasmiga ah ee xulalka ka qeybgalaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxaa durbaba laga hadlayaa shaxda ugu qaalisan ee ka soo bixi karta, waxaana 11ka xiddig ee ugu qaalisan xiddigaha haatan ka qeybgalaya Euro 2016 lagu qiimeeyay wadar ahaan adduun lacageed oo gaaraya 680 milyan euro, sida ay daabacday Transfermarkt.
Shaxda ugu qaalisan tartanka Euro 2016 oo ay qiimeysay Transfermarkt waxaa dhanka goolka ku jira goolhayaha bayern Munich Manuel Neuer oo lagu qiimeeyay 40 milyan euro. Dhanka daafaca waxaa ka muuqda labada xiddig ee Bayern Munich David Alaba (45 Milyan Euro) iyo Jerome Boateng (40 milyan euro). Waxaa kula wehliya daafaca Barcelona Gerard Pique (40 milyan euro) iyo daafaca real Madrid Sergio Ramos (40 milyan euro)
Khadka dhexe ee shaxdaan waa mid weerar u badan. Waxaa ku jira xiddiga Faransiiska ee Juventus Paul Pogba oo ay Transfermarkt ku qiiemeysay 65 milyan euro, xiddiga Jarmalka Thomas Muller (75 milyan euro) xiddiga Belgium iyo Chelsea Eden Hazard (70 milyan euro). Weerarka iyagana waxaa hogaaminaya xiddigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo (110 milyan euro) iyo Gareth Bale (80 milyan euro) waxaana kula wehliya xiddiga reer Poland ee Bayern Munich Robert Lewandowski (70 milyan euro)
Si kastaba shaxda ugu qaalisan Euro 2016 oo qiimaheeda uu yahay 680 milyan euro waxa ay ka yar tahay marka loo barbaro shaxda ugu qaalisan Champions League waxaana ugu wacan xiddigaha South America ee soo galaya.
11ka xiddig ee ugu qaalisan Champions League waxaa lagu qiimeeyay 765 milyan euro, waana in ka badan 85 milyan euro shaxda ugu qaalisan Euro 2016. Waxaa shaxda ugu qaalisan Champions League ka dhex muuqda: Neuer (45), Alaba (45), Boateng (40), Pique (40), Ramos (40), Pogba (65), James (70), Neymar (100), Messi (120), Cristiano ( 110) iyoSuarez (90).
0 comments:
Post a Comment