Wednesday, June 1, 2016

Jamie Carragher, Jamie Redknapp & Khubarada Kale Ee Sky Sports Oo Saadaliyay Xulka Ku Guuleysanaya Koobka Euro 2016

Euro 2016
Iyadoo kaliya ay ka harsan tahay koobka Euro 2016 sagaal maalmood, ayaa khubarada isboortiga ee Sky Sports waxa ay saadaal ka bixiyeen xulka ku guuleysanaya koobka xagaagan.
Xulka martigelinaya ee France ayaana inta badan helay codka kalsoonida ee khubarada Sky Ports laakiin waxaa jir hal nin oo England ku taageeraya hanashada koobka Euro 2016.

Jamie Redknapp (France)

Sida iska cad waxaan jeclaan lahaa inaan arko England oo shaqo fiican qabaneysa, waxaana qabaa inay  ku dhawaan doonaan hanashada koobka laakiin madaxeyga waxa uu leeyahay France.
Waxaan qabaa marka laga hadlayo weeraryahanada, waxaan la mid nahay kuwa ugu fiican laakiin marka la eego guud ahaan ciyaartoyda xulalka, France ayaa heysata xulka ugu tayada fiican.
Sida iska cad waa xulka martigelinaya koobka, waxaana ay soo bandhigeen sida ay taasi muhim u tahay 1998 oo ay Koobka Adduunka ku guuleysteen iyo Euro 84, markaasoo ay labada koob martigeliyeen.
Euro 2016

Matt Le Tissier (Austria)

Waa saadaalin adag laakiin waxaan doonayaa inaan raaco waxa maanka iiga jira, waxaana u saadaaliyay Austria.
Shaqo fiican ayay qabteen u soo bixitaankii koobka, waxa ay ku guuleysteen sagaal kulan kaliyana hal kulan ayay barbaro galeen 10kii kulan ee ay ciyaareen iyadoo goolal yar laga dhaliyay.
Haa, waan jeclaan lahaa in England ay k guuleysato, laakiin madaxeyga ayaa i leh weli ma ahan kuwa ku guuleysan kara koobka.

Jamie Carragher (France)

Waxaan mar walba raacaa waxa maanka iiga jira, nasiibdarro taasi lama micno ahan England.
Waxaan qabaa in England ay tartan fiican ku riyaaqi doonto taasoo la micno ah in meesha ugu fiican ee ay gaari karaan inay tahay wareega sideeda ama semi-finalka.
Waxaan u saadalinayaan France. Waxaan qabaa in gurigooda ay faa’ido weyn u tahay waxaana ay heystaan weeraryahano fiican oo da’ yar sida Anthony Martial iyo Antonie Griezmann.

Alan Smith (England)

Waxaan raacayaa qalbigeyga. Waqti dheer ayay aheyd inay England ku guuleysato, waxaana aadnay koobab badan anagoo rajo qabna, waxaana soo laabanay anagoo niyadjabsan, laakiin markaan waxaan u maleynayaa inaan ku guuleysan doono.

Paul Merson (France)

Waxaan u saadaalinayaa France. Waan jeclahay faa’idada ay leedahay in gurigaaga lagu ciyaaro. Waa muhim weyn marka la joogo tartamada waa weyn.
Sannadihii la soo dhaafay waxaa cadaatay in xulalka martigelinaya koobabka inay inta badan gaaraan semi-finalka haddii aysanba final gaarin. Waxaan qabaa haddii France ay isdejiyaan inay ku guuleysan doonaan.


0 comments:

Post a Comment