Saturday, October 1, 2016

DEG DEG : Chelsea Oo Kusoo Laabtay Wadada Guusha,Maxaa Laga Bartay Guushii Kooxdda Conte Ay Ka Gaartay Hull City ?

yy
Maalmo jahwareersan kadib,kooxdda Blues ayaa caawa ku jiifaneysa qaab farxadleh kadib markii kooxdda tababare Antonio Conte ay 2-0 kaga badisay naadiga Hull City.
Labo gool oo ay Chelsea la timid lixdii daqiiqo ee ugu dambeysay ciyaartii hada soo dhamaatay ayaa ka caawisay Chelsea guul muhiim ah.
Chelsea waxaa aad muhiim ugu ahaa iney hakiso guul darooyinka xiriirka ah, Conte waxaa uu ciyaarta ka hor sheegay in dhibaatooyinka kooxdiisa ay kusoo afjari doonaan KCOM Stadium tiiyoo dhacday.
Naadiga martida loo ahaa ayaa aad u xoogan badneyd qeybtii hore ee kulanka, laakiin markii nasiinada laga yimid Willian ayaa darbo xoogan ka dhaliyay ka hor inta uusan Diego Costa ka dhigin 2-0.
Maxaa laga bartay kulankaan?
Willian ayaa dhaliyay goolkiisii 7 aad ee Premier League tan iyo bilawgii xili ciyaareedkii hore, Kaliya Diego Costa ayaa ka badan marka la fiiriyo Chelsea.
Chelsea ayaa ku fashilantay iney shuut toos ah sameyso qeybtii hore ee kulanka taas oo ka dhigan labo kulan oo xiriir ah oo ay sidaas ku dhaceyso waana markii ugu horeysay tan iyo bishii March 2012.
Victor Moses ayaa kusoo bilaawday markii koowaad kulan Premier League ah isagoo xiran funaanada Chelsea tan iyo bishii May 2013 taas oo ka dhigan inuu sugayay 1239 maalmood.

Saturday, June 11, 2016

Macalin Vicent Del Bosque Oo Difaacay Goolhaye David De Gea Kadib Fadeexadii Shalay Ku Soo Baxday Shabaq Ilaaliyaha Man United

De Gea and Del BosqueMacalinka xulka qaranka Spain Vicent Del Bosque ayaa sheegay inuu aaminsan yahay goolhayihiisa David De Gea uuna rumeysanayo waxa uu u sheego kadib markii ay soo baxday fadeexad anshax xumo ah uu xidigaan ku lug leeyahay.
Macalinkii hore ee Real Madrid ayaa ka hadlayay suurogalnimada uu xulka kaga sii mid ahaan karo De Gea xili uu jir shaki badna oo laga muujinayo sida ay maskaxda De Gea ugu mashquuli karto arintaan oo gaartay heer qareeno la isku qabsado.
Isagoo hadlayay wuxuu yiri “Wuxuu u muuqdaa sida qof aan waxba sameyn, waana inaan aaminaa midaas, waxaan halkaan u joognaa inaan taageerno, waxaana sii doonaa kaalmada iyo jaceylka uu u baahan yahay si uu arintaan kaga baxo”.
De Gea and Del Bosque
“Wuxuu sameeyay sharaxaad wuxuuna cadeeyay inuusan waxba ka ogeyn arintaan wuxuuna sidaasi ku yiri kalsooni iyo nadiifnimo, ma u maleynayo in waxyaabahaasi ay dhibayaan ama ay saameyn ku yeelanayaan isaga, waxaa cadi inuu yahay nin dagan oo aad u maskax fiican”.

Yay taageereysay HOOYADA dhashay Taulant Xhaka iyo Granit Xhaka oo u kala safnaa Xulalka Albania iyo Switzerland..+SAWIRRO

wa3
(France) 11 Juunyo 2016. Waa walaalo misane u kala safnaa xulalka Switzerland iyo Albania ciyaartii dhaweyd ee Euro 2016 oo guul dirqi ah 1-0 uu la hoyday labada wiil midka yar.
Waxaa ciyaarta kor ka daawanayay hooyada iyo aabaha dhalay Taulant Xhaka iyo Granit Xhaka, waxaana durba maskaxadaada ku soo dhaceya yay taageerayeen waalidiinta ma wiilka yar ee Granit oo matalayay Switzerland mise kan wayn Taulant oo matalayay xulka Albania.
Granit ayaa ku dhashay kuna bar-baaray Switzerland sidaa darteed ayuu u doortay xulkan halka Taulant Xhaka uu doortay xulka uu dhaxal ahaan ka soo jeedo ee Albania.
Elmaze Xhaka, ee ah hooyada dhashay inamadan ayaa taageereysay labada wiilba oo marba mid u sacbo tumeysay waxayna xirneyd funaanad labada dal u kala qeybsan, waxay dhinac fadhisay gabadha la saaxiibka ah Granit ee Leonita Lekaj.
Aabahood Ragip oo isna sidoo kale kor ka daawanayay ciyaarta ayaa meel u badneyn oo wuxuu qabay dareen caadifad oo isku dhaf ah.
wa2
Ragip waa odeyga gacan haatinaya
Ragip ayaa ku qaatay saddex sano maxbuus siyaasadeed xabsi ku yaala Kosovo kaddib markii la soo daayay isagoo 25-jir ah ayaa loo ogolaaday inuu noloshiisa si sax ah uga bilaabo Basle.
Wuxuu oday Ragip kiciyay labo xirfadlayaal oo kubbada cagta ah Taulant, 25-jir, iyo Granit, 23-jir.
Labada walaalo ayaa laabta is galiyay ka hor kulankoodii dhawaa waxayna wareysi ay bixiyeen ku sheegeen inay walaalo bis aysan ahayn balse ay yihiin saaxiiibo kuwooda ugu fiican, laakiin waxay malaha ku egtahay saaxiibtinimadooda garoonka bannaankiisa oo waa dagaal mar haddii garoonka la galo, maadaama uu mid kastaa doonayo inuu ka soo boxo waajibaadka xulkuu ma talayo.
wa
Taulant ayaa la badelay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta maadaama uu goor dhow ka soo laabtay dhaawac muruqa ah laakiin wuxuu caro darteed u tuuray caagii uu biyaha ka cabayay, oo ma ahan sheeko ka cusub wiilashan wada dhashay oo labaduba way dabeecad adag yihiin.
Xiddiga cusub ee Arsenal Granit ayaa saddex jeer garoonka laga saaray mar uu u safanayay Borussia Monchengladbac horyaalka Bundesliga kal ciyaareedkii dhawaa, laakiin midaa kama aysan hor istaagin Arsene Wenger inuu la soo saxiixdo xiddig yarahan bur-buriyaha ah.
Taulant Xhaka ayaa isna labo jeer laga ganaaxay Basle kaddib markii uu dharbaaxo iyo inuu tinta ka jiido isugu daray  xiddigaha kooxaha ka soo horjeeda. Wuxuu sidoo kale ku lug lahaa qas mar uu xulkiisa Albania Belgrade kula ciyaaray xulka Serbia intii lagu guda jiray isreeb-reebka Euro 2016.
dada2
wa1
wa4wa5

England 1-1 Russia: Gool Uu Waqtigii Dhimashada Dhaliyay Berezutski Oo Qalbi Jabiyay Jamaahiirta Three Lions Iyo Inkaartooda Furitaanka Euro Oo Weli Socota

4vKnoOJdTqCmSJKwfOVM_Vasily BerezutskiyGuul u dhaliyay waqtigii dhimashada Berezutski ayaa England ka beenisay inay markii ugu horeysay abid badiyaan kulankooda ugu horeeya ee tartamada qaramada Yurub iyadoo goolkaas uu kansalay gool laad xor ahaa uu hogaanka ugu dhiibay xulka England Eric Dier taasoo keentay inay ciyaarta ku soo dhamaato barbaro 1-1 ah.
Tababare Roy Hodgson ayaa ku soo shirtagay shax la saadaalinayay isagoo weerarka ku soo bilaabay Harry Kane halka kabtanka kooxda Wayne Rooney uu ka ciyaarayay khadka dhexe iyadoo shan ciyaaryahan oo Tottenham ah ay ku soo bilowdeen shaxda xulka Three Lions. Waana shaxdii ugu da’da yareyd ee ay England ku soo shirtagto kulan tartan weyn ah tan iyo 1958dii.
Xulka England ayaana ciyaar fiicneyd qeybtii hore laakiin waa ay ka faa’ideysan waayeen fursadihii ay heleen iyadoo xulka Ruushka ay badbaadeen ilaa iyo waqtigii nasahsada. Three Lions ayaana helay fursado dhowr ah iyadoo goolhaye Akinfeev uu laf dhuun gashay ku noqday.
L2Ko6TmFRAOdZOe9qi7i_Wenger
Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ku sugnaa garoonka Marseille oo daawanayay kulankii caawa.
England v Russia - Group B: UEFA Euro 2016
Fursad uu helay Lallana bartamihii qeybta hore ayaa aheyd fursadii ugu fiicneyd ee xulka England soo martay ka dib markii ay si fiican jaanta iskula heleen Kyle Walker, halkii laga filanayay inuu kubada shabaqa cusjiyo waa uu hareer mariyay.
England ayaa sagaal darbo ku heshay Russia qeybtii hore waana darbooyinkoodii ugu badnaa ee qeybta hore ee ciyaar ka tirsan qaramada Yurub tan iyo kulankii Croatia ee sannadii 2004 markaasoo ay 11 darbo ku heleen. Waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.
mhd1ZRGORYu6DLdF0HSd_Roy 2
Halistii ugu horeysay ee qeybtii labaad waxaa abuurtay xulka Ruushka iyadoo Kokorin uu boos iican ka helay geeska midig ee xerada goolka, waxaana uu soo dhigay karoos hoos oo halis ah laakiin Cahill ayaa kubada bixiyay oo badbaadiyay.
Russia ayaa sidoo kale koornooyin isku xig xiga helay iyadoo mid ka mid ah koornooyinkaas daqiiqadii 60aad uu halis isgeliyay Dier markii uu u madaxeeyay kubada dhanka goolkiisa laakiin waxaa faraha cidooda ku sii bixiyay goolhaye Joe Hart.
Daqiiqadii 63aad ayy Russia mar kale fursad abuuratay inkastoo England ay kubada heysata, kubad la soo qaaday ayaa waxaa madax ku dhigay Dzyuba iyadoo uu helay Smolov kaasoo ka darbeeyay kubada meel 25 yard u jirta goolka waxaana ay si ciriiri ah ku hareermartay goolkii uu waardiyaha ka ahaa Joe Hart
England-v-Russia-Euro-2016-Group-B
Daqiiqadii 71aad waxaa England soo martay fursad gool loo fishay laakiin mar kale Akinfeev ayaa u diiday inay dhalato. Raheem Sterling ayaa karoos ka soo dhigay garab bidix, waxaa kubada damcay inuu bixiyo mid ka mid ah xiddigaha Ruushka laakiin waxa ay kubada lugta u gashay Wayne Rooney oo taagnaa afka hore ee xerada goolka kaasoo darbo xoogan oo dhulka ku socoto ku tuuray goolka, Akinfeeva ayaana si fantastik ah kubada gacanta ugu taabtay ka hor inta aysan birta kore ku dhicin. Lallana oo isna hortaagnaa goolka ayaa ku celiyay waxaana ay ku dhacday mar kale birta laakiin Lallana offside ayuu ahaa.
DAQIIQADII 73aad GOOOL!!! Labo daqiiqadood ka dib fursadaas, England ayaa laad xor ah loo dhigay afka hore ee xerada ganaaxa ka dib markii Schennikov uu qalad ku galay Della Alli. Eric Dier ayaana laadka xorta ah u istaagay isagoo si habsami leh u dhex dhigay shabaqa islamarkaana hogaanka u dhiibay xulka Three Lions.
oroT0pi5QeSUZDGKu5YO_Dier246qhI1DwS8aitDbJEiEw_DierDEC11-England-v-Russia-Euro-2016-Group-B
DAQIIQADII 90+2 GOOOL!!! Ma aamini kartaa waqtigii dhimashada ayuu Ruushka niyadjabiyay jamaahiirta Three Lions markii kubad la soo qaaday uu madax ku taabtay Berezutski iyadoo ay dhaaftay xariiqda goosha ka hor inta uusan Gluskakov xaqiijin inay kubada shabaqa ku jirto.
4vKnoOJdTqCmSJKwfOVM_Vasily Berezutskiy
Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay barbaro 1-1 ah iyadoo England ay ka qoomameyn doonaan fursadihii ay iska qasaariyeen, waxaana weli daba socota inkaarta ah inaysan waligood guul ku bilaabanin tartanka qaramada Yurub. Group B waxaa haatan seddex dhibcood ku hogaamineysa Wales halka England iyo Russia ay min dhibic leeyihiin, waxaana ugu hooseysa Slovakia oo laga badiyay maanta.

Wales 2-1 Slovakia: Super Bedel Robson-Kanu Oo Goolka Guusha Dhaliyay Xilli Duda Uu Kansalay Goolkii Gareth Bale

Ckrtu8wVEAAiMWm
Xulka Wales ayaa guul ku bilowday kulankooda ugu horeeya ee Group B ka dib ciyaar adag oo ay la ciyaareen xulka Slovakia oo ay uga badiyeen 2-1, Robson-Kanu oo bedel ku soo galay ayaa goolka guusha u saxiixay Wales xilli xiddiga kale ee bedelka ahaa ee Slovakia Duda uu kansalay goolkii uu Wales hogaanka ugu dhiibay Gareth Bale bilowgii ciyaarta.
Fursadii ugu horeysay ee ciyaarta waxaa heshay xulka Slovakia daqiiqadii 3aad ee ciyaarta iyadoo Marik Hamsik uu kala dhantaalay daafaca Wales, dhow ciyaaryahan ayuu hal mar meel cidlo ah kaga tagay, waxa uu xitaa kubada ku garaacay goolhaye Ward balse daafaca Davies ayaa kubada ka soo bixiyay xerada goolka, waxaana ay aheyd fursad gool loo fishay.
Wales v Slovakia - Group B: UEFA Euro 2016
DAQIIQADII 10aad GOOOL!!! Gareth Bale ayaa laad xor ah oo cajiib ah shabaqa ku hubsaday isagoo cagta bidix ku soo qaaday meel 30 mitir goolka u jirta, waxaana uu hogaanka u dhiibay xulka Wales iyagoo si weyn ugu dabaaldegay goolkaas cajiib ahaa.
Gareth Bale ayaa noqday xiddigii ugu horeeyay ee laad xor ah ka dhaliya tartanka Euro 2016 waana xiddigii ugu horeeyay ee laad xor ah ka dhaliya tartanka qaramada Yurub tan iyo markii uu Andrea Pirlo ka dhaliyay Croatia sannadii 2012.
Ckrtu8wVEAAiMWm
Wales ayaana fiicneyd inta badan qeybtii hore ee ciyaarta iyadoo xitaa laga diiday rigoore markii Martin Skrtel uu xerada goolka qalad kula galay weeraryahanka xulka Wales Jonny Williams. Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaan ay u qalantay ku heysay xulka Wales.
Fursadii ugu horeysay ee qeybta labaad waxaa heshay Slovakia iyadoo Mak uu ka dib maray daafaca Wales laakiin darbadiisa ayaa si ciriiri ah ku dulmartay goolka. Wales ayaana jawaab ka bixisay daqiiqadii 57aad iyadoo Bale uu u dhawaaday inuu u labeeyo hogaanka xulkiisa markii uu madax la helay karoos uu soo dhigay Joe Allen laakiin waxaa si fantastik ah kaga badbaadiyay goolhaye Kozacik.
DAQIIQADII 61aad GOOOL!!! Ondrej Duda oo bedel ku soo galay ciyaarta islamarkaana garoonka ku jiray ilbiriqsiyo ayaa u barbareeyay ciyaarta xulka Slovakia, Torbinski ayaa shaqo fiican ka soo qabtay garabka midig ka hor inta uusan kubada u dhigin Duda kaasoo darbada isku toosiyay islamarkaana kubada dabamariyay goolhaye Ward.
Ondrej Duda ayaa dhaliyay goolka ka dib 52 ilbiriqsi uu garoonka ku jiray, waana goolkii ugu dhakhsiyaha badnaa ee uu dhaliyo ciyaaryahan bedel ku soo galay tartamada Yurub tan iyo markii uu Valeron uu ka dhaliyay Russia sannadii 2004 isagoo garoonka ku jiray kaliya 39 ilbiriqsi.
Wales v Slovakia - Group B: UEFA Euro 2016
Wales ayaa fursad fiican abuurtay daqiiqadii 73aad markii xiddiga bedelka ku soo galay Robson-Kanu uu karoos fiican ka soo dhigay dhanka midig, Ramsey ayaana fursad fiican u heystay inuu madax ku dhaliyo laakiin madaxa ayuu la soo degdegay taasoo keentay inuu kubada dulmariyo goolka.
DAQIIQADII 81aad GOOOL!!! Kubad fiican oo uu soo baasay Ledled ayaa waxaa helay Ramsey kaasoo isaga sii dhacdhacaya u dhigay Robson-Kanu islamarkaana kubada ka leexiyay Skrtel, xiddiga bedelka ku soo galay ayaa laf dheerta ku dhaliyay goolka iyadoo goolhayaha Slovakia uu go’ay isalamarkaana uu kaliya indhaha ka daawanayay intii ay kubada shabaqa u socotay.
Daqiiqadii 86aad Slovakia ayaa ku dhawaatay inay barbareyso ciyaarta mar kale laakiin nasiibka ayaa diiday markii karoos fiican oo la soo qaaday dhanka bidix uu madaxa la helay Nemec laakiin waxaa soo beenisay birta.

Waxaana ay ciyaarta ku soo idlaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka Wales, waxaana ay aheyd kulan xiiso leh oo ka dhacay magaalada Bordeaux.

Wednesday, June 1, 2016

Cadena COPE: Dhexdhexaadiye U Soo Bandhigay Kooxda Real Madrid Saxiixa Neymar

neymar-cope-madrid--1464774207042
Idaacada Isbaanishka ee Cadena COPE ayaa sheegeysa in dhexdhexaadiye ama dalaal uu u soo bandhigay Real Madrid fursad ay kula wareegi karaan Neymar. Warkaan oo uu shaaciyay joornaalistaha idaacadaan Paco Gonzalez ayaa waxaa sidoo kale la socda lacagaha lagula wareegi karo ciyaaryahanka.
Lacagta ku baxeysa howgalka soo xerogelinta Neymar ayay idacaada sheegtay inay noqon doonto 192 milyan euro iyadoo mushaharka xiddiga reer Brazil uu noqon doono 30 milyan euro, waana lacag la mid ah lacagtii ay miiska u soo saartay kooxda PSG markii ay la kulmeen wakiilada ciyaaryahanka.
neymar-cope-madrid--1464774207042
Sida Cadena COPE ay sheegeyso heshiiska qandaraas kordhinta ee Neymar ee kooxda Barcelona kaliya waa mid dhanka afka ah, mana jiro wax la saxiixay. Real Madrid waxa ay dhageysaty qordhaha uu soo jeediyay dhexdhexaadiyaha laakiin waxa ay ka warqabaan inay dhowr jeer isku dayeen inay la soo wareegaan xiddiga reer Brazil islamarkaana ay ku guuldareysteen, waxaana ay sidoo kale ka walaacsan yihiin dalabka PSG.
Haddii Neymar uu u wareego Real Madrid waxa ay la micno noqoneysaa kala jabka BBC, iyadoo ay tahay in midkood uu baxo sida ay sheegtay COPE, waxaana ay sheegeen in qofkaas uusan marnaba noqon doonin Ronaldo, sidaasi darteed Bale ama Benzema ayaa bixi doona.

Shaxda Ugu Qaalisan Xiddigaha Ka Qeyb Galaya Euro 2016 Oo Aad Uga Qiimo Hooseeya Shaxda Ugu Qaalisan Champions League

1464763506_011080_1464763637_noticia_normal
Iyadoo la dhameystiray liiska rasmiga ah ee xulalka ka qeybgalaya tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016, waxaa durbaba laga hadlayaa shaxda ugu qaalisan ee ka soo bixi karta, waxaana 11ka xiddig ee ugu qaalisan xiddigaha haatan ka qeybgalaya Euro 2016 lagu qiimeeyay wadar ahaan adduun lacageed oo gaaraya 680 milyan euro, sida ay daabacday Transfermarkt.
Shaxda ugu qaalisan tartanka Euro 2016 oo ay qiimeysay Transfermarkt waxaa dhanka goolka ku jira goolhayaha bayern Munich Manuel Neuer oo lagu qiimeeyay 40 milyan euro. Dhanka daafaca waxaa ka muuqda labada xiddig ee Bayern Munich David Alaba (45 Milyan Euro) iyo Jerome Boateng (40 milyan euro). Waxaa kula wehliya daafaca Barcelona Gerard Pique (40 milyan euro) iyo daafaca real Madrid Sergio Ramos (40 milyan euro)
1464763506_011080_1464763637_noticia_normal
Khadka dhexe ee shaxdaan waa mid weerar u badan. Waxaa ku jira xiddiga Faransiiska ee Juventus Paul Pogba oo ay Transfermarkt ku qiiemeysay 65 milyan euro, xiddiga Jarmalka Thomas Muller (75 milyan euro) xiddiga Belgium iyo Chelsea Eden Hazard (70 milyan euro). Weerarka iyagana waxaa hogaaminaya xiddigaha Real Madrid Cristiano Ronaldo (110 milyan euro) iyo Gareth Bale (80 milyan euro) waxaana kula wehliya xiddiga reer Poland ee Bayern Munich Robert Lewandowski (70 milyan euro)
Si kastaba shaxda ugu qaalisan Euro 2016 oo qiimaheeda uu yahay 680 milyan euro waxa ay ka yar tahay marka loo barbaro shaxda ugu qaalisan Champions League waxaana ugu wacan xiddigaha South America ee soo galaya.
11ka xiddig ee ugu qaalisan Champions League waxaa lagu qiimeeyay 765 milyan euro, waana in ka badan 85 milyan euro shaxda ugu qaalisan Euro 2016. Waxaa shaxda ugu qaalisan Champions League ka dhex muuqda: Neuer (45), Alaba (45), Boateng (40), Pique (40), Ramos (40), Pogba (65), James (70), Neymar (100), Messi (120), Cristiano ( 110) iyoSuarez (90).

Alvaro Morata Oo London Laga Doonayo, Cavani Oo Spain Ku Sii Jeeda, Arsenal Oo Carrasco Soo Xerogelineysa Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah

Alvaro Morata Oo London Laga Doonayo, Cavani Oo Spain Ku Sii Jeeda, Arsenal Oo Carrasco Soo Xerogelineysa Iyo Wararkii Kale Ee Ay Qoreen Wargeysyada Maanta Oo Arbaco Ah.
Maalin wanaagsan meel walba oo joogtaan akhristayaasheena sharafta leh, waxaan idiin soo gudbineynaa sida aad inooga barateen maalin walba wararkii ugu waa weyn ee ay qoreen wargesyayda maanta oo Arbaco ah, xuquuqda iyo sugnaanshaha wararkaan waxaa ka mas’uul ah wargeysyada magacooda uu ku hor xusan yahay.
Arsenal iyo Chelsea ayaa ku tartami doona saxiixa 23 jirka weerarka ka ciyaara ee Juventus Alvaro Morata kaasoo sheegay in Premier League ay u noqon karto meel weyn uu soo caga dhigto. (Daily Mirror)
Baadigoobka ay West Ham ugu jirto gooldhaliye ayaa keentay inay 16 milyan ginni ku dalbadaan weeraryahanka AC Milan Carlo Bacca, halka kooxda Talyaaniga ay 20 milyan ginni ku rabto 29 jirka reer Colombia. (Daily Mail)
Kooxda Tottenham ayaa wadahadalo ku aad dalab 30 milyan ginni ah ugu dhaqaaqeysa weeraryahanka kooxda Lyon Alexandre Lacazette oo 25 sanno jir ah kaasoo sidoo kale diirada u saaran kooxda West Ham. (Daily Mirror)
Kooxda Spurs ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay dalab ka gudbiso 27 jirka weerarka uga ciyaara kooxda Watford Troy Deeney. (The Sun)
Maamulaha cusub ee Manchester United Jose Mourinho ayaa raadinaya inuu ku garaaco Liverpool iyo Chelsea saxiixa 26 jirka khadka dhexe ee kooxda AS Roma Miralem Pjanic. (Mundo Deportivo)
Arsenal ayaa dooneysa daafaca dhexe ee kooxda Inter Milan Jieson Murillo laakiin waxa ay tartan kala kulmayaan kooxaha Leicester, Stoke iyo Zenit oo iyagana xiiseynaya 24 jirkaan reer Colombia. (La Gazzetta dello Sport)
Kooxda Gunners ayaa rajo laga siiyay dalabkooda ku aadan kubadsameeyaha kooxda Borussia Dortmund Henrikh Mkhitaryan ka dib markii wakiilka 27 sanno jirkaan uu sheegay in xiddiga reer Armenia uu ka fiirsanyo mustaqbalkiisa. (Bild)
Si kastaba, Arsenal ayaa tartan kala kulmeysa kooxda ay waqooyiga London ka wada dhisan yihiin ee Tottenham oo iyagana doonaya Mkhitaryan. (Daily Star)
Rajadii ay Manchester United ka qabtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Poland ee kooxda Sevilla 26 sanno jirka Grzegorz Krychowiak ayaa mugsi uu soo galayaa ka dib markii ay Barcelona iyadana cadeysay inay xiiseyneyso. (Mundo Deportivo)
Macalinka kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa laga yaabaa inuu u dhaqaaqo inuu Anfield ku soo celiyo goolhayihii hore ee Reds Pepe Reina oo haatan u ciyaara Napoli. (Corriere dello Sport)
Kooxda u soo dalacday Premier League ee Middlesbrough ayaa diirada saareysa weeraryahanka kooxda Sevilla ahna xiddiga Koobka Adduunka ku soo guuleystay Fernando Llorente. (Daily Mail)
Andriy Shevchenko ayaa u sheegay kooxdiisa hore ee AC Milan inay la soo wareegaan xiddiga kooxda Dynamo Kiev Andriy Yarmolenko. (Daily Mail)
Weeraryahanka kooxda Paris Saint-Germain Edinson Cavani ayaa sheegay in laga yaabo inuu u hayaamo kooxda Ateltico Madrid xagaagan. (The Sun)
Liverpool, Chelsea iyo Paris Saint-Germain ayaa ku dagaalamaya saxiixa xiddiga 22ka milyan ginni lagu qiimeeyo kooxda AS Roma iyo dalka Jarmalka Antonio Rudiger. (Daily Star)
Jurgen Klopp iyo Liverpool ayaa war wanaagsan ka helay tartankii ay ugu jireen saxiixa weeraryahanka kooxda Atletico Nacional Marlos Moreno. (Daily Express)
Arsenal ayaa kala hadashay kooxda Atletico Madrid saxixia xiddiga garabka ka ciyaara Yannick Ferreira Carrasco. (Daily Express)

Jamie Carragher, Jamie Redknapp & Khubarada Kale Ee Sky Sports Oo Saadaliyay Xulka Ku Guuleysanaya Koobka Euro 2016

Euro 2016
Iyadoo kaliya ay ka harsan tahay koobka Euro 2016 sagaal maalmood, ayaa khubarada isboortiga ee Sky Sports waxa ay saadaal ka bixiyeen xulka ku guuleysanaya koobka xagaagan.
Xulka martigelinaya ee France ayaana inta badan helay codka kalsoonida ee khubarada Sky Ports laakiin waxaa jir hal nin oo England ku taageeraya hanashada koobka Euro 2016.

Jamie Redknapp (France)

Sida iska cad waxaan jeclaan lahaa inaan arko England oo shaqo fiican qabaneysa, waxaana qabaa inay  ku dhawaan doonaan hanashada koobka laakiin madaxeyga waxa uu leeyahay France.
Waxaan qabaa marka laga hadlayo weeraryahanada, waxaan la mid nahay kuwa ugu fiican laakiin marka la eego guud ahaan ciyaartoyda xulalka, France ayaa heysata xulka ugu tayada fiican.
Sida iska cad waa xulka martigelinaya koobka, waxaana ay soo bandhigeen sida ay taasi muhim u tahay 1998 oo ay Koobka Adduunka ku guuleysteen iyo Euro 84, markaasoo ay labada koob martigeliyeen.
Euro 2016

Matt Le Tissier (Austria)

Waa saadaalin adag laakiin waxaan doonayaa inaan raaco waxa maanka iiga jira, waxaana u saadaaliyay Austria.
Shaqo fiican ayay qabteen u soo bixitaankii koobka, waxa ay ku guuleysteen sagaal kulan kaliyana hal kulan ayay barbaro galeen 10kii kulan ee ay ciyaareen iyadoo goolal yar laga dhaliyay.
Haa, waan jeclaan lahaa in England ay k guuleysato, laakiin madaxeyga ayaa i leh weli ma ahan kuwa ku guuleysan kara koobka.

Jamie Carragher (France)

Waxaan mar walba raacaa waxa maanka iiga jira, nasiibdarro taasi lama micno ahan England.
Waxaan qabaa in England ay tartan fiican ku riyaaqi doonto taasoo la micno ah in meesha ugu fiican ee ay gaari karaan inay tahay wareega sideeda ama semi-finalka.
Waxaan u saadalinayaan France. Waxaan qabaa in gurigooda ay faa’ido weyn u tahay waxaana ay heystaan weeraryahano fiican oo da’ yar sida Anthony Martial iyo Antonie Griezmann.

Alan Smith (England)

Waxaan raacayaa qalbigeyga. Waqti dheer ayay aheyd inay England ku guuleysato, waxaana aadnay koobab badan anagoo rajo qabna, waxaana soo laabanay anagoo niyadjabsan, laakiin markaan waxaan u maleynayaa inaan ku guuleysan doono.

Paul Merson (France)

Waxaan u saadaalinayaa France. Waan jeclahay faa’idada ay leedahay in gurigaaga lagu ciyaaro. Waa muhim weyn marka la joogo tartamada waa weyn.
Sannadihii la soo dhaafay waxaa cadaatay in xulalka martigelinaya koobabka inay inta badan gaaraan semi-finalka haddii aysanba final gaarin. Waxaan qabaa haddii France ay isdejiyaan inay ku guuleysan doonaan.


Tuesday, May 17, 2016

Falanqeynta Kulanka Horyaalka Ingriiska Ugu Danbeyey Ee Manchester United Vs Bournemouth (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)

Falanqeynta Kulanka Horyaalka Ingriiska Ugu Danbeyey Ee Manchester United Vs Bournemouth (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)
Kulankan Laga Soo Calaamadiyey:-
United ayaa laga dhaliyay goolasha ugu yar xili ciyaaareedkaan Premier League waxaana looga dhaliyay garoonkoda sideed gool.
Bournemouth ayaa kaliya seddex ka mid ah 12 ugu danbeyay ee ay Premier League martida aheyd laga badiyay
Bournemouth ayaa booqday Old Trafford afar jeer tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay afarta oo dhan iyadoo aan gool xitaa kusoo dhalinta.
Red Devils ayaa dhalisay kaliya 46 gool horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan, waa markoodii ugu hooseeyay tan iyo 04/05.
Maxaa ka Cusub kooxaha.
United ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono Matteo Darmian mar kale sababo la xiriira dhaawac canqowga ah, halka Marouane Fellaini oo gudan ganaaxii ugu dambeeyay.
Luke Shaw iyo Bastian Schweinsteiger ayaa weli ka soo kabsanaya dhaawac soo gaaray.
Macalin Howe ayaan heysan wax dhaawac ama ganaax cusub ah, Adam Smith ayaa dhaawac muruqa ah ku maqan kasoo looga saaray kulankii 4-0 City kaga badisay bilowgii April.
Sylvain Distin (dhabarka), Tyrone Mings (jilib) iyo Rantie (dhaawac muruqa) ayaa muddo dhee kooxdan ka maqan.
Shaxda Macaquulka ah:-
Manchester United Line-up (4-1-4-1)  De Gea – Borthwick-Jackson, Blind, Smalling, Fosu-Mensah – Schneiderlin – Martial, Rooney, Herrera, Mata – Rashford.
Bournemouth: Line-up (4-4-2) Boruc – Francis, Elphick, Cook, Daniels – Ritchies, Surman, Artel, Gradel – Afobe, Wilson.

“Markii Ugu Horeysay Waxaan Iska Celin Karnaa Xul Walba” – Rooney Oo Ku Faanay In Euro 2016 Uu Noqon Karo Koobkii England Xagaagan.

Wayne-Rooney
Wayne Rooney ayaa aaminsan in England ay awood u leedahay inay iska celiso xul walba oo ka qeybgalaya koobka Euro 2016.
Roy Hodgson ayaa magacaabay isniintii xul da’ yar iyadoo Rooney uu ka mid yahay afar ciyaaryahan oo 30 sanno jir ah ama ka weyn.
England ayaa u hayaameysa France iyagoo rikoor boqolkiiba boqol ah ka heysta kulamadii isreebreebka Euro 2016, waxaana Rooney uu u muuqdaa mid kalsooni ku qaba in koobkaan uu yahay midkoodii.
Inkastoo uu qalbijab ku soo dhacay shan tartan oo weyn uu ka qeybgalay, Rooney ayaa sheegay in Euro 2016 ay tahay fursadii ugu fiicneyd ee ay England ku hanan karto koob weyn tan iyo markii uu xulka soo galay 13 sannadood ka hor.
Wayne-Rooney
“Waxaan dareemayaa inaan heysano ciyaartoy aad u fiican. Malaha waa markii ugu horeysay ee aan awood u leenahay inaan iska dhicino xul walba oo nagu soo aada” ayuu Rooney u sheegay Sky Sports.
“Laakiin sida iska cad in koox weyn la heysto waa mid laakiin in awood loo yeesho in qaab ciyaareed joogta ah la soo bandhigo inta tartanka uu socdo iyadana waa mid kale.
“Waxaan heysanaa ciyaartoy ka ciyaari karta meel walba oo weerarka ah. Aniga, Jamie Vardy, Raheem Starling, Daniel Sturridge waxaan ka ciyaari karnaa garbaha.
“Marna ka ogaan kartid sida aan u ciyaari doono marka loo fiiriyo ciyaartoyda aan heysana. Waxaa ina soo maray isreebreeb aad u fiican oo aan ugu soo baxnay tartankaan, laakiin waa inaan hubino inaanan isdhiganin, waa inaan hore u socono oo aan fursada ugu fiican isa siino.”