Kulankan Laga Soo Calaamadiyey:-
United ayaa laga dhaliyay goolasha ugu yar xili ciyaaareedkaan Premier League waxaana looga dhaliyay garoonkoda sideed gool.
Bournemouth ayaa kaliya seddex ka mid ah 12 ugu danbeyay ee ay Premier League martida aheyd laga badiyay
Bournemouth ayaa booqday Old Trafford afar jeer tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay afarta oo dhan iyadoo aan gool xitaa kusoo dhalinta.
Red Devils ayaa dhalisay kaliya 46 gool horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan, waa markoodii ugu hooseeyay tan iyo 04/05.
Maxaa ka Cusub kooxaha.
United ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono Matteo Darmian mar kale sababo la xiriira dhaawac canqowga ah, halka Marouane Fellaini oo gudan ganaaxii ugu dambeeyay.
Luke Shaw iyo Bastian Schweinsteiger ayaa weli ka soo kabsanaya dhaawac soo gaaray.
Macalin Howe ayaan heysan wax dhaawac ama ganaax cusub ah, Adam Smith ayaa dhaawac muruqa ah ku maqan kasoo looga saaray kulankii 4-0 City kaga badisay bilowgii April.
Sylvain Distin (dhabarka), Tyrone Mings (jilib) iyo Rantie (dhaawac muruqa) ayaa muddo dhee kooxdan ka maqan.
Shaxda Macaquulka ah:-
Manchester United Line-up (4-1-4-1) De Gea – Borthwick-Jackson, Blind, Smalling, Fosu-Mensah – Schneiderlin – Martial, Rooney, Herrera, Mata – Rashford.
Bournemouth: Line-up (4-4-2) Boruc – Francis, Elphick, Cook, Daniels – Ritchies, Surman, Artel, Gradel – Afobe, Wilson.
0 comments:
Post a Comment