Tuesday, April 26, 2016

Daafaca Real Madrid Ee Pepe Oo Si Dad Ban U Weeraray Weeraryahanka Barcelona Ee Neymar Kuna Tilmaamay Midaan Aqlaaq Laheyn

pepe
Daafaca dhexe ee kooxda Real Madrid ee Pepe ayaa weerar ku qaaday dadka isaga wax ka sheega iyo weeraryahanka kooxda Barcelona ee Neymar Junior oo uu ku tilmaamay mid aan laheyn asluub suuban.
Daafacaan ayaa eedeyn badan ku muteystay qaab ciyaareedkiisa dagaalka ku saleysan tan iyo imaatinkiisii kooxda Real Madrid laakin wuxuu si kulul u sheegay in hadii ay sax ahaan laheyd waxa ay dadka ka sheegaan uusan sii joogi laheyn koox u weyn sida Real Madrid mudo sanado ah oo intaas la eg wuxuuna yiri isagoo arintaa ka hadlayay “Sax ma aha waxa ay dadka sheegayaan, hadii aan ahaan lahaa mid asluubtiisa aysan toosneyn waxaan qaadan lahaa kaarar u badan sida kuwa Neymar” sida ay qoreen Sports, Marca iyo Goal.
pepe
Isagoo ka hadlayay dhaqankiisa wuxuu yiri “Qof aan laheyn aqlaaq fiican ma aanan joogeen sanado intaas la eg koox u weyn sida Real Madrid, fursadaas ma aanan heli laheyn waan hubaa midaas”.

Maxaa Ka Jira In Macalinka PSG Ahna Daaficii Hore Ee Man United Ee Laurent Blanc Uu Xagaagan Qaban Doona Shaqada Kooxda OId Trafford ?


Blanc, Scholes and Giggs
Macalinka kooxda PSG eeLAURENT BLANC ayaa si layaab leh loola xiriirnayaa inuu noqon doono maclainka kooxda Manchester United ee xili ciyaareedka danbe inkastoo waayadii danbe shaqadaass si weyn loola xiriirnayay Jose Mourinho.
Warar ay qortay jariirada The Sun Sport ayaa sheegay in maclainka ree France ahna daaficii hore ee kooxda United uu ku soo jeedo Old Trafford waxaana la fahansan yahay in sababta ugu weyn ee maclainka Paris Saint-Germain ay kooxda United u dooratay uu yahay Ryan Giggs
Kooxda ayaa ka cabsi qabta in Jose Mourinho uu la imaan doono dhamaan shaqaale cusub taasoo booska ka xireysay halyeeyga kooxdaasi ee Giggs laakin Blanc ayaa saaxiibkiisii hore ee kooxda ahna ninka ugu guulaha badan kooxda ku heysan doona garabkiisa, taasoo fursad kale u siineysa Giggs inuu kooxda maamulo mustaqbalka.
Blanc, Scholes and Giggs
Warkaan ayaa imaanaya xili ay shabakada The Sun oo warkaan qortay ay sidoo kale fahasan tahay in Jose Mourinho uu heshiis afka ah la gaaray kooxda United isagoo waliba loo balan qaaday mushaarad qaali ah oo gaaraya £60 milyan oo pound mudada sadexda sano ah ee uu joogayo kooxda.

Monday, April 25, 2016

Zidane: Cristiano Ronaldo waa u taam kulanka Manchester City

cristiano-ronaldo-vs-wolfsburg-april-2016


Tababaraha  Real Madrid Zinedine Zidane waxa uu ku adkeysanayaa in Cristiano Ronaldo uu diyaar u yahay kulanka Manchester City ee salaasada.
Ronaldo waxa uu seegay kulankii ay dhiniciisa 3-2 uga badiyeen Rayo Vallecano horyaalka La Liga sabtidii dhaawac  cajirka ah awgiis waxaana la soo wariyey in Portuguese-ka uu dhibaato kala kulmayo sidii uu Champions League diyaar ugu ahaan lahaa.
Zidane, hase ahaatee, waxa uu xaqiijiyey in dhaliyahiisa uu taam u yahay lugta hore ee ka dhici doona Ethihad.
“Cristiano Ronaldo waa taam  wuuna u safrayaa Manchester,” ayuu Zidane u sheegay wariyeyaasha.
Ronaldo waxa uu dhaliyey 47 gool 44 kulan oo uu saftay ololahan waxaana ka mida 16 gool oo Champions League ah.

Thursday, April 14, 2016

“Bareele looma baahna anigaa xambaar garoonka kaaga saaraya.”. (Daawo arrin ka dhacday ciyaartii xalay ee Man United iyo West Ham)


hareera

Kabtanka isbiiritka badan ee kooxda West Ham Mark Noble ayaa ciyaartii xalay ay kooxdiisu la yeelatay Man United ee tartanka FA Cup la soo baxay hab cusub oo loola tacaalo xiddigaha garoonka is dhiga si ay waqtiga u lumiyaan.
Noble ayaa ku lug lahaa dagaalo badan uu la galay Ander Herrera intii ay socotay ciyaartii xalay ay Man United ugu soo gudubtay semi final-ka FA Cup.
Laakiin wiilka reer Spain ee Herrera ayaa garoonka ku dhacay kolkan isagoo dhaawac sheeganaya xilli ay kooxdiisu 2-0 ku hogaamineyso ciyaarta, Noble ayaase go’aansaday inuu isagu gacantiisa ku xaliyo howshan uu waqti lumiska u arkay.
Halkii uu kabtanka West Ham cabasho u gudbin lahaa garsooraha ciyaarta sida caadada ahayd ayuu taa badelkeeda inta xambaaray Harrera sidda wiil yar oo dhibloow ah garoonka ka saaray.
Si kastaba daalkii uu muujiyay Noble wax badan ma ay u qaban kooxdiisa oo waxaa looga adkaaday 2-1 sidaana ay uga hareen tartanka FA Cup.

hareera
harera
hareraa



Sunday, April 10, 2016

Jose Mourinho Oo Xaqiijiyay Inuu Iska Diiday Inuu Noqdo Macalinka Cusub Ee Xulka Suuriya.

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday dalab uu ka helay wadanka ay dagaalada la degeen ee Suuriya si uu u noqdo tababarahooda cusub ee xulka qaranka.
Tababaraha reer Portugal ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii December kaliya todobo bilood ka dib markii uu ku hogaamiyay horyaalka Premier League.
Waxaa weli socda wararka xanta ah ee Mourinho la xiriirinaya inuu shaqada Man United ka bedelayo Louis van Gaal xilli ciyaareedka danbe, inkastoo uu xusay inuusan weli heshiis la gaarin kooxda.
josemourinho-cropped_1vqfg2rpehv8g1km1w4to55zw1
Inkastoo uu carabka ku adkeeyay inuu si weyn u doonayo inuu shaqada tababarenimo ku soo laabto xilli ciyaareedka danbe, tababaraha ayaa qirtay inuu iska diiday dalab ah inuu xulka Suuriya ka caawiyo inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee 2018.
“Waxa ay shabakadooda ku soo bandhigeen warqadii ay u soo direen wakiilkeyga” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports.
“Waa run inuu dalab iiga yimid, laakiin si gaar ah ayaan ugu sheegnay inaan xiiseyneynin shaqada.”

Wuxuu Inoola Dhaqmay Sida Caruurta” Luis Nani Oo Weerar Ku Qaaday Macalin Loius Van Gaal Iyo United, Laakin Maxay Aheyd Sababtii Uu Uga Tagay ?

Garabkii hore ee Manchester United Luis Nani ayaa ku eedeeyay macalin Louis van Gaal inuu caruurnimo kula dhaqmay xidigihii kooxda Man United markii uu macalinkaan yimid Old Trafford taasna ay keentay in xidigaan uu isaga tago United.
Xidiga xulka Portugal ayaa haatan u ciyaara kooxda Fenerbahce ee dalka Turkey oo uu ku biiray kadib hal xili ciyaareed uu amaah ku soo qaatay kooxda Sporting Lisbon kadib markii ay isku dhaceen maclainka ree Holland wuxuuna Nani u sheegay The Sunday Times “Wax badan ima uusan ciyaarsiinin kulamadii xagaaga ka horeeyay, waxaan ahaa ciyaariyahankii waqtigii ugu yaraa ka helay macalinka, waxaana markaas ogaaday inuusa igu xisaabtameyn macalinkaan”.

Nani ayaa intaa ku daray “Isaga iyo caawiyeyaashiisa waxay ugu qeylinayeen ciyaartooyda sida caruur 18 jiro ah, waxaana ogahay ineysan jirin wax sabab ah uu sidaasi inoola dhaqmo sababtoo ah waxaan nahay dad xirfadleyaal ah waxaan tababar qaadanaa maalin waliba, majirto qaladaad aan sameyno, waxaan wax waliba ku bixineenaa garoonka laakin taasi uma cadeyn”. Ayuu ku eedeyay Nani macalinka ree Holland.
Nani
Tan iyo imaatinkii kooxda ee macalin Van Gaal, Manchester United ayaa lagu eedeeyaa kubad damiinimo ah iyagoo ciyaara kubad lagu caajiso oo an laheyn awood raacasho iyo kubad dhis ee ay caadada u lahaayeen ka hor imtaankiisa wuxuuna Nani oo arintaasi ka hadlayay yiri “Haatan waxaad arkeysaa Manchester oo aan aheyn kooxdeen Manchester, anigii xusmeynaya dhamaan ciyaartooyda halkaasi jooga, shaqsiyadooda waxaan xaqiijin karaa in maskaxdooda aysan joogin oo aysan ka fakareyn ciyaarta kaliya, marka aad aragto Manchester oo garoonka soo galeysa waxaad daremeysaa inaan jawi cusub u bilowday, waxaa joogay kooxdeenii ciyaartooy waa weyn oo kooxda soo matalayay mudo sanado ah, kuwa hada joogo waxay joogaan malaha hal sano ama waa markoodii ugu horeysay ee Epl”.

Ayaa Kasoo Muuqday Shaxda Wadajirka Ah Ee Khabiirka Sky Sports Ee Matt Le Tissier Ee Tottenham Vs Man United ?

Falaanqeeyaha ciyaaraha kanalka Sky Sports ee Matt Le Tissier ayaa soo xushay shaxda wadajirka ah ee kooxaha Tottenham iyo Man United iyadoo kaliya sadex xidig ay ka baxeen dhanka kooxda United halka inta kale ciyaartooyda Tottenham ay buuxiyeen booskaan.
Matt Le Tissier ayaa David De Gea ka hormariyay Hugo Liors halka daafacyada afarta ah uu ka dhexeysiiyay Danny Rose, Smalling, Toby Aldeirwierd iyo Kyle Walker.
Sidoo kale khabiirkaan ayaa khadka dhexe u doortay Moussa Dembele oo Tottenham ah iyo Eric Dier oo isla Tottenham ah kuwaasoo aan wax fursad ah siinin Morgan Schniederlin iyo Michael Carrick.
Christian Erikson ayaa garabka midig ka ciyaaraya halka Anthony Martial uu ka ciyaarayo dhanka bidix waxaana booska kubad sameeyaha ah ee weeraryahanka caawinaya ka ciyaaraya da’yarka Delli Alli kaasoo booska kala baxaya Juan Mata oo Man United u ciyaara.
Weeraryahanka xulka England iyo kooxda Tottenham ee Hary Kane ayaa hogaaminaya weerarka isagoo aan fursad siinin da’yarka soo baxaya ee Marcus Rashford kaasoo xili ciyaareedkaan ku soo biiray kooxda koowaad ee United.
Shaxda Wadajirka ah ee Matt Le Tissier ee Tottenham Vs Man United: De Gea, Walker, Aldeirweird, Smalling, Rose, Dambelle, Dier, Erikson, Alli, Martial, Kane.
lineup-le-tiss-matt-le-tissier_3445095
Hadaba Aqriste, adiga miyaad Matt Le Tissier ku raacsan tahay shaxdiisaan wadajirka ah ? Hadii aadan ku raacsaneyn soo xulo kooxdaada wadajirka ah ee Tottenham vs Man United

. Qiimeynta Ciyaartoyda Ee Kulanka Real Sociedad & Barcelona: Kumaa Ahaa Xiddiga Garoonka? Ayaase Ugu Liitay Kulankii Xalayto?

Barcelona ayaa waxaa soo gaartay jugtii labaad ee isku xigta ee horyaalka La Liga ka dib markii ay xalayto mar kale guuldarro kala soo noqdeen garoonka Anoeta ee Real Sociedad kuwaasoo guuldarro 1-0 dhabarka u soo saariyay. Hadaba waxaan eegi doonaa qiimeynta ciyaartoydii xalayto ciyaartay.

REAL SOCIEDAD

Rulli 10 (Xiddiga Garoonka): Qaab ciyaareed wacdarro leh ayuu soo bandhigay isagoo shabaqa u diiday Barcelona islamarkaana guusha u xaqiijiyay kooxdiisa.
Aritz Elustondo 7: Sida daafaca kooxda oo dhan waxa uu ka soo baxay howshiisa, waxaana uu fursado ka beeniyay Barcelona.


Reyes 7: Wuxuu kooxda ka caawiyay inay yareeyaan weerarka Barcelona.
De La Bella 6: Difaacasho adag ayuu soo bandhigay halka uu sidoo kale weerar halis uu qaadayay mararka qaar.
Mikel Gonzalez 7: Wuxuu u diiday ciyaartoyda khadka dhexe ee Barcelona inay si saani ah kubada isagu baasaan.
arda-turan-ratings-1460238241628
Mikel Oiarzabal 8: Waxa uu madax ku dhaliyay goolka muhimka ah ee ay Real Sociedad ku badisay.
Xabi Prieto 7: Waxa uu caawiye ka ahaa goolka ay kooxda ku badisay, waxaana uu taatiko ahaan muhim u ahaa kooxdiisa.
Granero 6: Si wanaagsan ayuu u ilaaliyay booska ka horeeya afarta daafac danbe.
Illaramendi 6: Jaale uu ku qaatay qalad uu geystay ayaa ah waxa kaliya ee ka xumaa qaab ciyaareedkiisii xalayto.
Zurutuza 7: Waxa uu kooxda ka caawiyay labo weeraro ay qaadeen, waxaana uu daboolayay difaacashada kooxda marka loo baahdo.
Carlos Vela 7: Wuu dhib badnaa marka uu kubada helo laakiin waa ku dhibtooday inuu fursado fiican helo.

BARCELONA

Claudio Bravo 4: Wax fursad ah uma heysanin uu ku badbaadiyo goolka, ka dib goolkana si weyn looma tijaabinin. Laakiin shaqadiisa lugta waa mid mar walba shaki abuurta.
Dani Alves 6: Waxa uu ka ka mid ahaa xiddigaha tirada yar ee wacdarro dhigay. Waxa uu isku dayay inuu weerar qaado isagoo karoosyo soo dhigayay laakiin si farxad leh uguma dhamaan.
Gerard Pique 5: Qalad ayuu ku lahaa goolka, waa uu iska surnaa isagoo aan daboolin ninkii uu racayay. Waxa uu ciyaarta ku dhameystay isagoo weerar ah isagoo kubad u dhigay Leo oo aan dhameystirin.
Javier Mascherano 6: Shaqo fiican ayuu qabtay laakiin waa uu ka badbaadin waayay kooxda guuldarro.
Sergi Roberto 6: Waxa uu ku bilowday daafac bidix, waxaana uu ku danbeeyay garabka midig.
Sergio Busquets 5: Goolka Real Sociedad waxa ay ku heshay kubad uu isaga dhumiyay. Waxa uu dhibaato ku qabay inuu kubadaha wareejiyo.
Arda Turan 2 (Xiddigii Ugu Liitay): Wuxuu ahaa mid caajisan, bilaa feker ah wuxuuna qaatay calaamad isagoo ganaax ku maqnaanaya kulanka Valencia. Fursad fiican ayuu goolka u helay laakiin Rulli ayaa ka badbaadiyay.
Rafinha 4: Ma dhihi kartid waxba iskuma dayin laakiin Enrique wuu ku degdegay in kulankaan sidaan u weyn uu ciyaarsiiyo marka loo fiiriyo inuu dhawaan dhaawac ka soo laabtay.
Munir 4: Daqiiqadihii ugu horeeyay waxa uu helay fursad nadiif ah laakiin Rulli ayaa ka badbaadiyay. Wixii ka danbeeyay fursad kale ma uusan helin, waxaana uu ahaa mid raaxo ku dareemeynin kubada.
Leo Messi 4: Weli waxa uu ku jiraa waqtigiisii ugu xumaa. Waxa uu isku dayay wax walba laakiin shabaqa ma uusan haleelin. Dhowr darbooyin waxaa ka badbaadiyay goolhayaha.
Neymar 4: Qeybtii hore waxa uu isku dayay inuu isku dheelitirnaanta ka dhumiyo La Real laakiin wixii ka danbeeyay wuu sii muuqbeelayay.

Saturday, April 9, 2016

Cristiano Ronaldo Oo Rekoodh Cusub Ka Dhigay Horyaalka Spain Ee La Ligaha Isaga Oo Noqday Ciyaartoygii Ugu Horeeyay Ee Lix Xili Ciyaareed Oo Xidhiidh Ah Gaadhay 30 Gool Oo La Ligaha Ah


Cristiano Ronaldo scored his 30th La Liga goal of the season as Real Madrid beat Eibar 4-0 at the Bernabeu
Xidiga xulka qaranka Portugal iyo kooxda Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada rekoodhada cusub ee uu ka dhigayo horyaalka Spain ee La Ligaha isaga oo kulankii Eibar ee ay Real Madrid 4:0 ku badisay noqday ciyaartoygii ugu horeeyay ee La Ligaha ka dhaliyay 30 gool ama wax ka badan lix xili ciyaareed oo xidhiidh ah.
Ronaldo ayaa hal gool ka dhaliyay kulankii Eibar isla markaana laba gool oo kale caawintooda lahaa wuxuuna sidaa dhigay rekoodh isaga u khaas ah. Cristaino Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 30 aad ee xili ciyaareedkan ee kulamada La ligaha si uu sare ugu qaado hamigiisa ah in uu ku guulaysto gool dhalinta La Ligaaha iyo waliba kabta dahabka ah ee Yurub oo uu isagu haddaba difaacanayo.Cristiano Ronaldo scored his 30th La Liga goal of the season as Real Madrid beat Eibar 4-0 at the Bernabeu
Ronaldo ayaa la goolal noqday xidiga kooxda Benfica ee Jonas iyo xidiga kooxda Napoli ee Gonzalo Higuain oo wada leh min 30 gool laakiin Higuain ayaa kulanka todobaadkan ganaax ku seegaya waxaana la ogaan doonaa in rafcaanka ay kooxdiisu ka qaadatay uu noqon doono mid lagu guulaysto. Ronaldo ayaa xili ciyaareedkii ugu horeeyay Madrid dhaliyay 26 gool balse tan iyo xili ciyaareedkiisii labaad ayuu soo gaadhay 30 gool ama wax ka badan.It took less than 90 seconds for Ronaldo to then added Madrid's third - his 30th La Liga goal of the seasonRonaldo celebrates scoring 30 league goals in a campaign for the sixth season in a row
Cristiano Ronaoldo ayaa 30 gool ama wax ka badan gaadhay xili ciyaareedyadii :2010/2011 (41), 2011/2012 (46), 2012/2013 (34), 2013/2014 (31) , 2014/2015 (48) iyo xili ciyaareedkan 2015/2016 oo uu ilaa hadda dhaliyay 30 gool. Ronaldo ayaa wali haysta fursad uu ku sii kordhisan karo goolashiisa xili ciyaareedkan ee La ligaha.
Ma aha  kaliya goolasha waxa uu Crisitano Ronaldo ku soo kordhiyo Real Madrid balse waxa uu xili ciyaareedkan sameeyay 10 gool caawineed isaga oo waliba laba gool caawineed ka sameeyay kulankii Eibar wuxuuna hal gool caawineed ka danbeeyaa Luis Suarez oo sameeyay 11 gool caawineed.

EPL: Kooxda Manchester City oo guul soo laabasho ah ka gaartay West Bromwich Albion + Sawirro


City
Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa guul soo laabasho ah ka gaartay West Bromwich Albion oo marti ugu ahayd garoonkeeda kulan ku tirsan horyaalka Premier League, kaddib markii gool looga hormaray.
Lix daqiiqo oo qura ayey ku qaadatay West Bromwich Albion inay gaarto shaqaba kooxda ay martida u ahayd ee Man City, waxaana goolka koowaad ee ciyaarta kaga naxsaday Stephane Sessegnon, laakiin waxaa sheekadaas diiday Sergio Aguero oo 19’ daqiiqo rigoore ugu barbareeyey kooxdiisa Man City, sidaas ayaana lagu kala nastay barbaro 1-1.
Qeybtii labaad markii dib la isugu soo laabtay ayey Man City la timid goolka guusha waxaana ku hoggaamiyey Samir Nasri 66’ daqiiqo, kulankii ka dhacay Etihad ayaana ku soo dhammaaday 2-1 ay ku adkaatay kooxda Sky Blues lagu naanayso.
Man City ayaa sii fadhin doonta booska afaraad ee kala horreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 57-dhibcood.
SAWIRRO:
1 2 3 4 5 6 City

Friday, April 8, 2016

SAWIRO: Wayne Rooney, Ashley Young Iyo Phil Jones Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Manchester United Iyo Van Gaal Oo Ka Hadlayay Xaalada Rooney, Miyuu Kulanka Tottenham Ciyaari Karaa?




http://www.laacib.net/wp-content/uploads/2016/04/

Kabtanka Manchester United ee Wayne Rooney ayaa dib ugu soo laabtay tababarka kooxdiisa kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac ka soo gaadhay guuldaradii Red Devils ka soo gaadhay kooxda Sunderland ee bishii February. Rooney ayaa seegay 11 kulan oo ay Man United ciyaartay tan iyo markii uu dhawacani soo gaadhay, waxaana jiray walaac laga qabay in dhaawaca Rooney uu saamayn ku yeesho mustaqbalkiisa England iyo tartanka qaramada Yurub ee Euro2016.Ashley Young iyo Phil Jones ayaa sidoo kale u soo laabtay Red Devils.
Laakiin soo laabashada Wayne Rooney ayaa aad muhiim ugu ah Manchester United oo doonaysa in ay u tartanto kaalinta afraad ee horyaalka Ingiriiska iyo waliba tartanka FA Cupka oo ay marka hore kulan ku celis ah la yeelan doonto kooxda West Ham United, laakiin Rooney ayaan wali taam u ahayn in uu ciyaaro kulanka muhiimka ah ee ay Man United la booqan doonto kooxda Tottenham.Rooney last made a first-team appearance in Manchester United's 2-1 defeat by Sunderland in FebruaryRooney's return to fitness is a boost for Manchester United and England ahead of Euro 2016 this summer

Louis Van Gaal oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horeeya kulanka Tottenham ayaa xaqiijiyay in Rooney uu ku soo laabtay tababarka isla markaana uu u ciyaari doono kooxda da’yarta Man United ee U21 wuxuuna yidhi: “Si aad iyo aad u fiican ayay u socotaa, waxa uu Rooney u ciyaari doonaa da’yarka U21 ka, ka soo kabsashadiisu si aad u fiican ayay u socotaa. Laba jeer ayuu anaga tababarka nala qaatay, laakiin waxaa qasab ah in uu taam ahaanshiisa soo dhiso”.
http://www.laacib.net/wp-content/uploads/2016/04/

Rooney was all smiles as he trained alongside Michael Carrick, Ashley Young, Juan Mata and othersRooney will make his return to action for the first time in two months in an Under 21 clash with Middlesbrough
Waxa kale oo tababarka Manchester United dib ugu soo laabtay xidigaha waqtiga dheer maqnaa ee Ashley Young iyo Phil Jones laakiin sida la filan karo wali taam u maha aha kulanka Tottenham. Dhaawacyadii Man United ayaa hadda ku soo yaraaday saddex ciyaartoy oo kaliya waxaana wali sii maqnaan doona  Bastian Schweinsteiger, Luke Shaw iyo Adnan Januzaj.
The Dutchman addresses his players during a training session at the AON Complex on Friday afternoonAnthony Martial, Ander Herera and Ashley Young share a joke during training on Friday afternoon
KULAMADA MANCHESTER UNITED UGA HADHAY PREMIER LEAQUE:
Sun Apr 10: Tottenham (marti)
Wed Apr 13: West Ham (marti ku celiska FA Cupka )
Sat Apr 16: Aston Villa (minan)
Wed Apr 20: Crystal Palace (minan)
Sun May 1: Leicester (minan)
Sat May 7: Norwich (marti)
Tues May 10: West Ham (marti)
Sun May 15: Bournemouth (minan) Van Gaal shares a joke with Phil Jones as United continue their quest for a top four finish at end of the season

Thursday, April 7, 2016

Xili Ciyaareedkii Kabtanka Liverpool Ee Jordan Henderson Oo Soo Dhamaaday Iyo Xidigaan Oo Macsalaameyay Euro 2016

Kabtanka Liverpool Jordan Henderson ayaa macsalaameeyay kooxdiisa isagoo aan markale cagta soo galin doonin garoomada kubada cagta kadib markii ui dhaawac soo gaaray kulankii ay xalay kooxdiisa barbaraha la gashay kooxda Borussia Dortmund ee 1-1 ka ku dhamaaday.
Jordan ayaa kabaxay Signal Iduna Park isagoo ka cabanaya jilibka uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka wuxuuna macalinka kooxda Liverpool oo qiiro ka muuqato ayaa yiri “Ma doonayo inaan war xan ah abuuro laakin waxa aan arkay wax sahlan ma aheyn, wuxuu Jordan la kulmay dhaawac xanuun badan, wuxuu ka sheeganayay jilibka, taasi ma ahan wax sahlan”.
“Aad ayaan uga marugeysanahay waxa ku dhacay, waxaan ka filayaa inuusan markale ciyaari doonin xili ciyaareedkaan, beri waxaa la saari doonaa Scan, waxaa lagu sameyn doonaa baaritaan kaas ayaana xaqiijin doona waxa saxda ah uu qabo iyo waxa u xalja ah, waxaan u rajeynayaa soo kabasho degdeg ah”.
Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in xidiga khadka dhexe ee xulka ingiriiska ui garoomada ka maqnaan doono mudo lix bilood ah inkastoo aysan wali jirin wax rasmi ah oo cadeynaya waqtiga rasmiga ah ee uu soo laaban karo Jordan Henderson.Henderson

Real Madrid oo war wanaagsan ka heshay dhaawaca Karim Benzema


https://pbs.twimg.com/media/
(Madrid) 07 Abriil 2016 Kooxda Real Madrid ayaa war rasmi ah ka soo saartay dhaawaca weerar yahankeeda reer France ee Karim Benzema kaas oo dhaawac uga baxay kulankii Wolfsburg.
AS iyo Marca ayaa si isku mid ah u shaaciyay in baaritaanadii lagu sameeyay Karim Benzema ay cadeeyeen in laacibku uu la dhibtoonayo oo kaliya jug ka soo gaartay jilibka lugta bidix.
Baaritaanada ayaana cadeeyay in Karim Benzema uu taam u noqon karo kulanka Real Madrid ay soo dhawayn doonto talaadada dambe kooxda Wolfsburg lugta labaad ee wareega rubuc dhamaadka koobka horyaalada yurub.
Tababare Zidane ayaa aad uga cabsi qabay in Benzema uu seego kulanka lugta labaad maadama rajada kooxda Real Madrid ay haatan tahay mid ku xiran kulanka ka dhici doona Santiago Bernabeu.

“Waa Doqonimo, Waxaa La Joogaa Waqtigii Arintaan Wax Laga Qaban Lahaa” Saxaafada Talyaaniga Oo Si Kulul U Weerartay Caawinaad Ay Garsooreyaasha Champions League Siiyaan Kooxaha Waa Weyn Qaarkood


Saxaafada falka talyaaniga ayaa weerar ku qaaday gudiga garsoorka ee xiriirka kubada cagta yurub oo ay ku tilmaameen kuwo aan cadaalad aheyn iyadoo TuttoSport si aan ganbasho laheyn u weerartay qaar kamid ah garsooreyaashii dhexdhexdaadiyay kulamo ka tirsan Champions league xili ciyaareedkaan.
Wargeysyada ayaa ugu yeerary garsoorihii hore ee heerka caalami ee Pierluigi Collina oo u dhashay wadanka talyaaniga laakin loo tixgaliyo mid kamid ah garsooreyaashii ugu fiicnaa abid haatana kamid ah gudiga garsoorka Uefa inuu soo farogeliyo kana hadlo dhibta lagu hayo kooxaha qaar, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Jariirada TuttoSport ayaa nacasiin ku tilmaamtay garsoorihii dhexdhexaadiyay kulanki Bayern Munich Vs Benfica Szymon Marciniak oo gool ku laad ka diiday Benfica si ay u helan gool muhiim ahaa oo ay marti ku dhaliyeen waxaana laga diiday gool ku laadkaas markii uu Philip Lahm xerada ganaaxa gacanta kula taabtay kubada.
Felix
Sidoo kale Bayern ayaa lagu eedeyay iney caawinaad weyn ka hesho u soo bixitaankeedii wareega sideed dhamaadka iyadoo Pep Guardiola uu sameyn ku yeeshay garsoorka labadii kulan ee ay Juve la ciyaareen waxaana kooxda ree talyaani laga diiday gool ku laad kulankii lugtii koowaad markii Vidal gacanta ku taabtay kubad uu soo tuuray Pogba, sidoo kale Lewandwosky ayaa qalad ku galay Bonnuci Bayern ayaana ka faa’ideystay fursadaas waxaana gool u dhaliyay Robben, sidoo kale lugtii labaad waxaa lagu saxay gool uu offside ku jiray Lewandowsky halka laga diiday gool sax ahaa uu dhaliyay Alvaro Morato waliba si qurux badan waxaana ciyaarta sameyn ku yeeshay labadii lugba garsooreyaasha kala ah Martin Atkinson iyo Jonas Eriksson.
Sidoo kale Barcelona ayaa caawinad weyn ka heshay in ciyaarta laga saaray Fernando Torres ka hor dhamaadka qeybtii koowaad markaasoo Barca lagu hogaaminayay 0-1 uu isla isaga dhaliyay, garsooraha ayaa iska indho tiray inuu casaan toos ah u taago Suarez markii uu darbo la dhacay Juanfran halka sidoo kale kala calaamad dignin ah uu helay markii uu dherbaaxay Filipe Luis waxayna Tutto Sport ku sheegtay garsoore Felix Brych mid doqon ah oo xitaan aan kaalmada uu koox siinayo si casri ah u siin karin.

War ay ku qortay qeybta sare ee bogeedii maanta ayeey ku yiraahdeen “Waan ku fahansanahay Diego, wax kasto ma sheegi kartid laakin waxa la joogaa waqtigii uu Pierluigi Collina arintaan soo faro gelin lahaa”.

Wednesday, April 6, 2016

HOR DHAC: PSG V MAN CITY (Caawa iyo Cash-Classico!)





Prediksi PSG vs Manchester City 7 April 2016
(Paris) 06 Abriil 2016. Manchester City waxa ay ka qeyb qaadan doonta wareega sideed dhamaadka Champions League markeedii ugu horeysay taariikhdda kolka ay caawa ka soo muuqdaan  Perc de Princes.
Labada dhinac waxa ay dhowaan ka mid noqdeen muruq weynta Yurub tan  iyo markii ay lacagta uga timi bariga dhexe, laakiin midkoodna heerkan kama gudbin ilaa iyo markii la maal galiyey.

___ Marco Verratti and Javier Pastore waxaa la filayaa in ay seegaan booqashada Manchester City sababao dhaawacyo la xiriira halka Serge Aurier isaga lagu wado sidii dib loogu soo celin lahaa safka kowaad.
___ Edison Cavani isaga booskiisa waxaa gali kara Lucas Adrien Rabiot isna khadka dhexe waxa uu ka badali karaa Marco Verratti.

___ Kebin de Bruyne waxa uu si la yaab leh safka kowaad ugu soo laabtay toddobaadkan kaddib laba bilood oo uu dhaawac ku maqnaa laakiin Pellegrini uma xaqiijin karo dheel caawa.
___ Samir Nasri sidoo kale dhaawac ayuu ka soo laabtay isaga oo keydka ka soo galay ciyaartii ay 4-0 uga badiyeen Bournemouth kaddib lix bilood oo uu dhawac ku maqnaa, laakiin waxaa laga saaray safka Champions League bilowgii sanadkan.
___ Yahya Toure wuu maqnaa kulankii Bournamouth walina ma soo laaban doono xitaa kulanka caawa, taas waxa ay dhabtii faa’ido u tahay dheeli tirnanta Man City.
___ Raheem Sterling iyo Vicent Kompany waxa ay iyana la maqnaan doonaan xiddiga reer Ivory Coast. Joe Hart wuu soo laabtay laakiin ma cadda in uu diyaar u yahay ciyaarta Paris Saint Germain. Waxaa sisna tababarka buuxa ku soo noqday Fabian Delph.