Garabkii hore ee Manchester United Luis Nani ayaa ku eedeeyay macalin Louis van Gaal inuu caruurnimo kula dhaqmay xidigihii kooxda Man United markii uu macalinkaan yimid Old Trafford taasna ay keentay in xidigaan uu isaga tago United.
Xidiga xulka Portugal ayaa haatan u ciyaara kooxda Fenerbahce ee dalka Turkey oo uu ku biiray kadib hal xili ciyaareed uu amaah ku soo qaatay kooxda Sporting Lisbon kadib markii ay isku dhaceen maclainka ree Holland wuxuuna Nani u sheegay The Sunday Times “Wax badan ima uusan ciyaarsiinin kulamadii xagaaga ka horeeyay, waxaan ahaa ciyaariyahankii waqtigii ugu yaraa ka helay macalinka, waxaana markaas ogaaday inuusa igu xisaabtameyn macalinkaan”.
Nani ayaa intaa ku daray “Isaga iyo caawiyeyaashiisa waxay ugu qeylinayeen ciyaartooyda sida caruur 18 jiro ah, waxaana ogahay ineysan jirin wax sabab ah uu sidaasi inoola dhaqmo sababtoo ah waxaan nahay dad xirfadleyaal ah waxaan tababar qaadanaa maalin waliba, majirto qaladaad aan sameyno, waxaan wax waliba ku bixineenaa garoonka laakin taasi uma cadeyn”. Ayuu ku eedeyay Nani macalinka ree Holland.
Tan iyo imaatinkii kooxda ee macalin Van Gaal, Manchester United ayaa lagu eedeeyaa kubad damiinimo ah iyagoo ciyaara kubad lagu caajiso oo an laheyn awood raacasho iyo kubad dhis ee ay caadada u lahaayeen ka hor imtaankiisa wuxuuna Nani oo arintaasi ka hadlayay yiri “Haatan waxaad arkeysaa Manchester oo aan aheyn kooxdeen Manchester, anigii xusmeynaya dhamaan ciyaartooyda halkaasi jooga, shaqsiyadooda waxaan xaqiijin karaa in maskaxdooda aysan joogin oo aysan ka fakareyn ciyaarta kaliya, marka aad aragto Manchester oo garoonka soo galeysa waxaad daremeysaa inaan jawi cusub u bilowday, waxaa joogay kooxdeenii ciyaartooy waa weyn oo kooxda soo matalayay mudo sanado ah, kuwa hada joogo waxay joogaan malaha hal sano ama waa markoodii ugu horeysay ee Epl”.
0 comments:
Post a Comment