Sunday, April 10, 2016

Jose Mourinho Oo Xaqiijiyay Inuu Iska Diiday Inuu Noqdo Macalinka Cusub Ee Xulka Suuriya.

Jose Mourinho ayaa shaaca ka qaaday inuu diiday dalab uu ka helay wadanka ay dagaalada la degeen ee Suuriya si uu u noqdo tababarahooda cusub ee xulka qaranka.
Tababaraha reer Portugal ayaa shaqo la’aan ahaa tan iyo markii laga ceyriyay Chelsea bishii December kaliya todobo bilood ka dib markii uu ku hogaamiyay horyaalka Premier League.
Waxaa weli socda wararka xanta ah ee Mourinho la xiriirinaya inuu shaqada Man United ka bedelayo Louis van Gaal xilli ciyaareedka danbe, inkastoo uu xusay inuusan weli heshiis la gaarin kooxda.
josemourinho-cropped_1vqfg2rpehv8g1km1w4to55zw1
Inkastoo uu carabka ku adkeeyay inuu si weyn u doonayo inuu shaqada tababarenimo ku soo laabto xilli ciyaareedka danbe, tababaraha ayaa qirtay inuu iska diiday dalab ah inuu xulka Suuriya ka caawiyo inay u soo baxaan Koobka Adduunka ee 2018.
“Waxa ay shabakadooda ku soo bandhigeen warqadii ay u soo direen wakiilkeyga” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports.
“Waa run inuu dalab iiga yimid, laakiin si gaar ah ayaan ugu sheegnay inaan xiiseyneynin shaqada.”

0 comments:

Post a Comment