Thursday, April 7, 2016

“Waa Doqonimo, Waxaa La Joogaa Waqtigii Arintaan Wax Laga Qaban Lahaa” Saxaafada Talyaaniga Oo Si Kulul U Weerartay Caawinaad Ay Garsooreyaasha Champions League Siiyaan Kooxaha Waa Weyn Qaarkood


Saxaafada falka talyaaniga ayaa weerar ku qaaday gudiga garsoorka ee xiriirka kubada cagta yurub oo ay ku tilmaameen kuwo aan cadaalad aheyn iyadoo TuttoSport si aan ganbasho laheyn u weerartay qaar kamid ah garsooreyaashii dhexdhexdaadiyay kulamo ka tirsan Champions league xili ciyaareedkaan.
Wargeysyada ayaa ugu yeerary garsoorihii hore ee heerka caalami ee Pierluigi Collina oo u dhashay wadanka talyaaniga laakin loo tixgaliyo mid kamid ah garsooreyaashii ugu fiicnaa abid haatana kamid ah gudiga garsoorka Uefa inuu soo farogeliyo kana hadlo dhibta lagu hayo kooxaha qaar, waa sida ay hadalka u dhigeene.
Jariirada TuttoSport ayaa nacasiin ku tilmaamtay garsoorihii dhexdhexaadiyay kulanki Bayern Munich Vs Benfica Szymon Marciniak oo gool ku laad ka diiday Benfica si ay u helan gool muhiim ahaa oo ay marti ku dhaliyeen waxaana laga diiday gool ku laadkaas markii uu Philip Lahm xerada ganaaxa gacanta kula taabtay kubada.
Felix
Sidoo kale Bayern ayaa lagu eedeyay iney caawinaad weyn ka hesho u soo bixitaankeedii wareega sideed dhamaadka iyadoo Pep Guardiola uu sameyn ku yeeshay garsoorka labadii kulan ee ay Juve la ciyaareen waxaana kooxda ree talyaani laga diiday gool ku laad kulankii lugtii koowaad markii Vidal gacanta ku taabtay kubad uu soo tuuray Pogba, sidoo kale Lewandwosky ayaa qalad ku galay Bonnuci Bayern ayaana ka faa’ideystay fursadaas waxaana gool u dhaliyay Robben, sidoo kale lugtii labaad waxaa lagu saxay gool uu offside ku jiray Lewandowsky halka laga diiday gool sax ahaa uu dhaliyay Alvaro Morato waliba si qurux badan waxaana ciyaarta sameyn ku yeeshay labadii lugba garsooreyaasha kala ah Martin Atkinson iyo Jonas Eriksson.
Sidoo kale Barcelona ayaa caawinad weyn ka heshay in ciyaarta laga saaray Fernando Torres ka hor dhamaadka qeybtii koowaad markaasoo Barca lagu hogaaminayay 0-1 uu isla isaga dhaliyay, garsooraha ayaa iska indho tiray inuu casaan toos ah u taago Suarez markii uu darbo la dhacay Juanfran halka sidoo kale kala calaamad dignin ah uu helay markii uu dherbaaxay Filipe Luis waxayna Tutto Sport ku sheegtay garsoore Felix Brych mid doqon ah oo xitaan aan kaalmada uu koox siinayo si casri ah u siin karin.

War ay ku qortay qeybta sare ee bogeedii maanta ayeey ku yiraahdeen “Waan ku fahansanahay Diego, wax kasto ma sheegi kartid laakin waxa la joogaa waqtigii uu Pierluigi Collina arintaan soo faro gelin lahaa”.

0 comments:

Post a Comment