Tuesday, May 17, 2016

Falanqeynta Kulanka Horyaalka Ingriiska Ugu Danbeyey Ee Manchester United Vs Bournemouth (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)

Falanqeynta Kulanka Horyaalka Ingriiska Ugu Danbeyey Ee Manchester United Vs Bournemouth (Maxaa Laga Soo Calaamadiyey??)
Kulankan Laga Soo Calaamadiyey:-
United ayaa laga dhaliyay goolasha ugu yar xili ciyaaareedkaan Premier League waxaana looga dhaliyay garoonkoda sideed gool.
Bournemouth ayaa kaliya seddex ka mid ah 12 ugu danbeyay ee ay Premier League martida aheyd laga badiyay
Bournemouth ayaa booqday Old Trafford afar jeer tartamada oo dhan, waxaana laga badiyay afarta oo dhan iyadoo aan gool xitaa kusoo dhalinta.
Red Devils ayaa dhalisay kaliya 46 gool horyaalka Ingariiska xilli ciyaareedkan, waa markoodii ugu hooseeyay tan iyo 04/05.
Maxaa ka Cusub kooxaha.
United ayaa la filayaa inuu ka maqnaan doono Matteo Darmian mar kale sababo la xiriira dhaawac canqowga ah, halka Marouane Fellaini oo gudan ganaaxii ugu dambeeyay.
Luke Shaw iyo Bastian Schweinsteiger ayaa weli ka soo kabsanaya dhaawac soo gaaray.
Macalin Howe ayaan heysan wax dhaawac ama ganaax cusub ah, Adam Smith ayaa dhaawac muruqa ah ku maqan kasoo looga saaray kulankii 4-0 City kaga badisay bilowgii April.
Sylvain Distin (dhabarka), Tyrone Mings (jilib) iyo Rantie (dhaawac muruqa) ayaa muddo dhee kooxdan ka maqan.
Shaxda Macaquulka ah:-
Manchester United Line-up (4-1-4-1)  De Gea – Borthwick-Jackson, Blind, Smalling, Fosu-Mensah – Schneiderlin – Martial, Rooney, Herrera, Mata – Rashford.
Bournemouth: Line-up (4-4-2) Boruc – Francis, Elphick, Cook, Daniels – Ritchies, Surman, Artel, Gradel – Afobe, Wilson.

“Markii Ugu Horeysay Waxaan Iska Celin Karnaa Xul Walba” – Rooney Oo Ku Faanay In Euro 2016 Uu Noqon Karo Koobkii England Xagaagan.

Wayne-Rooney
Wayne Rooney ayaa aaminsan in England ay awood u leedahay inay iska celiso xul walba oo ka qeybgalaya koobka Euro 2016.
Roy Hodgson ayaa magacaabay isniintii xul da’ yar iyadoo Rooney uu ka mid yahay afar ciyaaryahan oo 30 sanno jir ah ama ka weyn.
England ayaa u hayaameysa France iyagoo rikoor boqolkiiba boqol ah ka heysta kulamadii isreebreebka Euro 2016, waxaana Rooney uu u muuqdaa mid kalsooni ku qaba in koobkaan uu yahay midkoodii.
Inkastoo uu qalbijab ku soo dhacay shan tartan oo weyn uu ka qeybgalay, Rooney ayaa sheegay in Euro 2016 ay tahay fursadii ugu fiicneyd ee ay England ku hanan karto koob weyn tan iyo markii uu xulka soo galay 13 sannadood ka hor.
Wayne-Rooney
“Waxaan dareemayaa inaan heysano ciyaartoy aad u fiican. Malaha waa markii ugu horeysay ee aan awood u leenahay inaan iska dhicino xul walba oo nagu soo aada” ayuu Rooney u sheegay Sky Sports.
“Laakiin sida iska cad in koox weyn la heysto waa mid laakiin in awood loo yeesho in qaab ciyaareed joogta ah la soo bandhigo inta tartanka uu socdo iyadana waa mid kale.
“Waxaan heysanaa ciyaartoy ka ciyaari karta meel walba oo weerarka ah. Aniga, Jamie Vardy, Raheem Starling, Daniel Sturridge waxaan ka ciyaari karnaa garbaha.
“Marna ka ogaan kartid sida aan u ciyaari doono marka loo fiiriyo ciyaartoyda aan heysana. Waxaa ina soo maray isreebreeb aad u fiican oo aan ugu soo baxnay tartankaan, laakiin waa inaan hubino inaanan isdhiganin, waa inaan hore u socono oo aan fursada ugu fiican isa siino.”

SUUQA KALA IIBSIGA: Waa Kuma Labada Xiddig Ee Ay Man United Daawaneysay Kulankii Sporting Lisbon Ee Isbuucaan?

Sporting-Lisbon-main
Raga suuqa kala iibsiga u qaabilsan Manchester United ayaa daawanayay kulankii Sporting Lisbon ay la ciyaartay kooxda Braga axadii, iyagoo si gaar ah isha ugu hayay xiddigaha khadka dhexe William Carvalho iyo Joao Mario, sida ay qortay jariirada Daily Mirror.
Kooxda ka dhisan Old Trafford wakiiladiisa ayaa joogay Portugal inta badan xilli ciyaareedkan iyagoo la socday xaalada Renato Sanches laakiin waa ay ka wareejisteen garoonka Benfica tan iyo markii xiddiga khadka dhexe uu u wareegay kooxda Bayren Munich.
Sporting-Lisbon-main
Waxaana ay diiradooda u soo weeciyeen xiddigo kale, wakiilada United ayaa daawaday Sporting oo ku guuldareystay inay ku guuleysato horyaalka inkastoo ay 4-1 ku badiyeen iyadoo mar kale uu wacdarro dhigay xiddiga ay doonayaan Joao Mario.
23 jirkaan ayaa ka soo dhex baxay hoos xiddigaha kale ee da’da yar ee kooxda isagoo si weyn uga dhex muuqday xilli ciyaareedka kooxda Lisbon.
Kooxda Paris Saint-Germain ayaana lagu waramayaa inay sidoo kale dooneyso xiddigaan ka ciyaari akra boos walba oo khadka dhexe ah.

SAWIRRO: Rubuc Malyuun Ruux Oo Isagu Soo Baxay Dabaaldega Kooxda Leicester City Ee Hanashada Horyaalka Premier League.

The Buses carrying the Leicester squad and trophy make their way through the the streets
Boqolaal kun ayaa isagu soo baxay wadooyinka iyadoo Leicester ay u dabaaldegtay hanashadeeda koobka horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda lagu naaneeso Dawacooyinka ayaa koobka horyaalka ku soo wareejiyay bartamaha magaalada iyagoo bas dusha ka furan saarnaa, waxaana dabaaldegooda ka soo qeybgalay dad lagu qiyaasay rubuc milyan.
Wadooyinka Leicester ayaa la xiray iyadoo jamaahiirta ay isku dayayeen inay isha saaraan geesiyaashooda sida lama filaanka ah ugu guuleystay koobka horyaalka.
Kooxda ay socdaalkooda ka soo bilowday Jubilee Square ee bartamaha magaalada ka hor inta aysan soo gaarin Victoria Park halkaasoo ay kooxda ku salaameen jamaahiirtooda iyadoo xaflad gaar ah halkaas lagu qabtay.
Taageerayaasha Leicester ayaa isagu soo uruuray inay dhageystaan fekradaha raga sida Jamie Vardy, Wes Morgan iyo tababare Claudio Ranieir.
The Buses carrying the Leicester squad and trophy make their way through the the streets
Leicester City fans during the open top bus parade
Leicester City celebrate with the trophy on the bus during the parade
Leicester City players and staff celebrate with the trophy during the open top bus parade
Chairman Vichai Srivaddhanaprabha on the Leicester City Premier League Winners Bus Parade
Goos-gooska waqtiyadii ugu xusuusta badnaa xilli ciyaareedka ayaa laga baahiyay shaashado waa weyn si taageerayaasha aadka u tirada badan ay u daawadaan, iyadoo gool walba oo la soo bandhigo mar kale loo dabaaldegayay.
Weeraryahanka England Vardy ayaa u sheegay Sky Sporst News: “Fiiri, waa isku soo bax aad u balaaran.
“Waxaan maqlay saaka inaan filaneyno 250 kun qof. Fiiri waxa ay u la micno tahay iyaga oo dhan. Dukaamada oo idil waa la xiray, cid walba daaqadeeda ayay madaxa ka soo dhiibaneysaa, dadka ay dul taagan yihiin saqafka kore ee guryahooda.
Jamie Vardy on the Leicester City Premier League Winners Bus ParadE
Christian Fuchs on the Leicester City Premier League Winners Bus Parade
An aerial view as the crowds gather in Victoria Park
Cheerleaders entertain the crowd
“Waa wax aad u fiican, alla maxay maalin tahay.
“Waa guul aan la rumeysan karin. Waan sugi doonaa ilaa iyo inta ay iga daadageyso, markaasna maalmo dhan ayaan nafteyda la sheekeysan doonaa.”
Kooxda Leicester ayaa hanatay horyaalkoodii ugu horeysay taariikhda iyagoo jira 132 sannadood, waxaana ay xilli ciyaareedka ku dhameysteen iyagoo 10 dhibcood ka sareeya kooxda kaalinta labaad ee Arsenal.
Claudio Ranieri with the trophy alongside Chairman Vichai Srivaddhanaprabha and vice-chairman Aiyawatt Srivaddhanaprabha on stage at Victoria Park
Claudio Ranieri and Wes Morgan show the trophy to the fans
Wes Morgan and chairman Vichai Srivaddhanaprabha holds up the Premier league trophy to fans
Tababare Ranieri ayaa sidoo kale uga mahadceliyay jamaahiirta inay magaalada ka dhigeen midabka buluuga ah.
Macalinka Talyaaniga ah ayaa yiri: “Waa wax aan la rumeysan karin. Magaaladii oo dhan baa halkaan joogta, waa wax qiimo leh. Dad aad u badna ayaa faraxsan waana ku faraxsanahay taas. Waad mahadsantihiin idilkiinba.”
Danny Simpson holds his leg on stage at Victoria Park after the open top bus paradeFireworks are let off during the paradeLeicester City on the stage during the paradeWes Morgan and Vichai Srivaddhanaprabha stand alongside the Premier league trophy

Saturday, May 14, 2016

Ma ogtahay in Cristiano Ronaldo uu ku saddex jibaarmo Weyne Rooney mushaaradii soo galay 2015!? [Aqri liiska oo 20 ka kooban)

1
(Madrid) 14 Maajo 2016. Lionel Messi ayaa ah kan labaad ee ugu dakhliga badan waxa uuna helay £54m halka Gareth Bale uu isna uruursaday £24m
1
CRISTIANO RONALDO ayaa daaha laga rogay in uu yahay ciyaaryahanka dunida ugu dakhliga badan –  waxaana lagu qiimeeyey in uu mushar ahaan sanadii 2015 u qaatay aduun dhan £57million marka la isugu geeyo dhamaan musharadiisa iyo xayeysiimaha, sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeyay ee Forbes.
Xiddiga Real Madrid lacagtaas la yaabka leh ee uu helay ayaa ka dhigeysa in uu yahay ciyaaryahanka dunida ugu musharka badan.
Lionel Messi ayaa kaalinta labaad galay oo helay £54m.
2 3
Weyne Rooney waxa uu ahaa kan Premier League ugu dakhliga badan.
£18m ee uu qaatay waxa ay fariisisay kaalinta lixaad –  halka, Gareth Bale uu yahay ciyaaryahanka kowaad ee UK liiska ugu sareeya, £24m ayuu helay.
Fashilkii Falcao ayaa si la yaab leh ku soo galay kaalinta 13-aad.
45
Laacibka hada Chelsea ka tirsan horena keydka uga ahaa Mancehster United waxa uu sanadkii hore helay aduun dhan £13m.
20-ka liiska ugu sareeya, kala bar waa xiddigaha Premier League ka ciyaara.
Waxaa ku jira Angel Di Maria iyo Robben Van Persie oo 2015 qeybiisa badan ku soo qaatay Premier League.
6
Manchester City ayaa ciyaryahanada ugu badan ku leh 20-ka sare – afar laacib –  waxa ay ka badan tahay kooxaha kale oo dhan.
Sergio Aguero waa ciyaaryahankii 7-aad waxa uuna helay £17m.
Dhinaca kale, Yahya Toure kaalinta 12-aad ayuu ku jiraa isaga oo heysta £14m, David Silva waxa uu fadhiyaa 19-aad waxa uuna helay £12m halka uu Samir Nasri ku jiro kaalinta 20-aad waxa uuna haystaa £11m.
7
Marka laga yimaado Falcao, Chelsea waxaa liiska ugu jira Eden Hazard oo kaalinta sagaal ku fadhita waxa uu haystaa £15m halka Cesc Fabregas uu booska 10-naad la taagan yahay aduun dhan  £14.5m.
Manchester United marka laga yimaado Weyne Rooney, waxaa liiska ku matala Bastian Schweinsteiger oo ku jira kaalinta 16-aad, kaas oo £12.5m helay.
Intaas oo kale waxaa sanadkii hore uruursaday xiddiga Arsenal Mesut Ozil.
Zlatan Ibrahimovic oo xaqiijiyey in uu xagaaga ka tagi doono Paris Saint-Germain waxa uu ahaa kubad ciyaarihii saddexaad ee ugu dhaqaalaha badnaa dunida sanadkii hore waxa uuna helay £26m.
Neymar ayaa booska afraad xirtay. Laacibka reer Brazil waxaa soo galay £25m sanadii 2015.
HOOS KA AQRI LIISKA OO DHAMEYSTIRAN
  1. Cristiano Ronaldo, Real Madrid: £57m
  2. Lionel Messi, Barcelona: £54m
  3. Zlatan Ibrahimovic, Paris Saint-Germain: £26m
  4. Neymar, Barcelona: £25m
  5. Gareth Bale, Real Madrid: £24m
  6. Wayne Rooney, Manchester United: £18m
  7. Sergio Aguero, Manchester City: £17m
  8. Luis Suarez, Barcelona: £16m
  9. Eden Hazard, Chelsea: £15m
  10. Cesc Fabregas, Chelsea: £14.5m
  11. James Rodriguez, Real Madrid: £14.5m
  12. Yaya Toure, Manchester City: £14m
  13. Falcao, Chelsea: £13m
  14. Thiago Silva, Paris Saint-Germain: £12.5m
  15. Mesut Ozil, Arsenal: £12.5m
  16. Bastian Schweinsteiger, Manchester United: £12.5m
  17. Angel Di Maria, Paris Saint-Germain: £12.5m
  18. Robin van Persie, Fenerbahce: £12m
  19. David Silva, Manchester City: £12m
  20. Samir Nasri, Manchester City: £11m

Suuqa Kale Iibsiga: PSG Oo Badalka Zalatan Ibrahimovic Uu Aragta Da’yarka Manchester United Ee Anthony Martial

Martial and Zalatan
Jariirada L’Equipe ee dalka France kasoo baxda ayaa qoreysa in kooxda Paris Sainte Germain ay xiriir la sameysay weeraryahanka kooxda Manchester United iyo xulka France ee Anthony Martial si ay uga dhigto badalka weeraryahanka kooxdaasi ka tagaya ee Zalatan Ibrahimovic.
Ibra ayaa ku dhawaaqay shalay inuu isaga tagyo kooxdiisa waxay Paris sameyneysa isbadal dhanka weerarka ah waxay raadin doonaan weeraryahankii badalka u noqon lahaa xidigooda, waxayna arkadeena da’yarka Man United ee Athony Martial kaasoo xili ciyaareed fiican ku qaadanaya kooxdiisa.
Jariirada ayaa sheegtay in kooxda ree France ay xiriir la sameysay xidigaan wakiilkiisa iyadoo weydiisay suurogalnimada uu ugu soo laaban karo dalka France laakin waxaa la fahansan yahay in xidigaan uu aaminsan yahay il Lique 1 uusan ku tayo aheyn Premier league sidaasi darteedna waxaa ku adkaan doonta in laga dhaadhiciyo u laabashada dalkiisa hooyo.
Martial and Zalatan
PSG ayaa ku daashay baadi goobkii ay ugu jirtay Cristiano Ronaldo iyo Neymar Jr waxayna taasi badalkeeda haatan sameyn doonaan dadaal waliba oo ay ku keeni karaan Martial garoonka Parc Des Princess.

“Haddii Aysan Ahaan Laheyn Madrid, Waxaan Boqolkiiba Boqol Ku Biiri Lahaa Man United” – Carlo Ancelotti Oo Ka Sheekeeyay Qado Uu La Qaatay Ferguson.

alexfergusoncarloancelotti-cropped_1pfvwcop4kn2k14zve5c58qd3u
Carlo Ancelotti ayaa sheegay in Sir Alex Ferguson uu ugu soo dhawaaday inuu noqdo tababaraha Manchester United sannadii 2013, laakiin uu iska diiday madaama ay mar ka sii horeysay ay dalab miiska u soo saartay Real Madrid.
Ancelotti ayaa ka sheekeeyay qado uu ku martiqaaday Sir Alex Ferguson si uu uga dhaadhiciyo inuu qabto shaqada Manchester United.
“Waxa ay aheyd qado fiican. Alex isagoo dooray qamriga, mid waliba qaali ah” ayuu macalinkii hore ee AC Milan iyo Chelsea u sheegay The Times. “Laakiin markaas waxaan la hadlay Real Madrid. Qibrad ahaan waa in tababare uu soo maro Madrid.
“Haddii aysan Real Madrid ahaan laheyn, boqolkiiba boqol waxaan imaan lahaa Man United.”
alexfergusoncarloancelotti-cropped_1pfvwcop4kn2k14zve5c58qd3u
David Moyes ayaa ugu danbeyn loo doortay inuu buuxiyo booska Ferguson, waxaana uu ku guuldareystay xilli ciyaareedkii hore 2013-14, halka tababaraha haatan uu ku hoos jiro cadaadis aad u daran.
Waxaa si weyn la isla dhexmarayaa in Van Gaal la ceyrin doono, laakiin Ancelotti ayaa sheegay in xitaa tababaraha ugu qibrada badan in maalin uun ay ka maarmi doonaan kooxdiisa.
“Chelsea waxaan kula guuleystay labo gool. Waa la ii ceyriyay. Real Madrid waxaan la qaaday La Decima, waa la ii ceyriyay” ayuu sharaxaad ku bixiyay tababaraha imaanaya Bayern Munich.
“Ma jiro tababare aan waayihiisa ciyaareed la soo ceyrinin. Ferguson waa la soo ceyriyay. Marcelo Lippi waa la soo ceyriyay, Fabio Capello waa la soo ceyriyay. Jose Mourinho waa la soo ceyriyay. Rafael Benitez.
“Tababaraha kaliya ee aan la ceyrinin waa Guardiola, laakiin weli waa uu da’ yar yahay. Waxa uu heystaa waqti badan. Maalin uun waxa uu ku soo biiri doonaa group-keena, group-ka la ceyriyay.”

Kooxda Banaadir SC oo xaflad heersare ugu dabaal degtay hanshada horyaalka Soomaaliya+Sawirro

IMG_0789IMG_0789
(Muqdisho) 14 Maajo 2016.Kooxda Horyaalka Soomaaliya  Banaadir SC ayaa xaflad si heersare loosoo agaasimay ugu dabaal degtay hanashada horyaalka kubadda cagta Soomaaliya  2015-16.
Xafladan oo ka dhacay Hotelka Makka  AL Mukarama waxaa kasoo qayb galay Wasiirka dhalinyarada iyo Isboortiga  Maxmaed C/laahi Xasan Nuux, Wasaariirka a qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga C/raxmaan Ceynte, Wasiirkii hore  ee  Wasaaradda  Warfaafinta  C/qaadir Jahweyn,  Xoghayaha Gos Duran Axmed Faarax , Guddoomiye Sharafeedka  Gos  C/qaadir Gacal Akbow , Madaxda Xirirka kubada cagta , Ganacsato Sakaakiil, Fanaaniin, Maamulka, Macalimiinta , Ciyaartoyda iyo Taageerayasha kooxda Banaadir SC.
Dhamaan Masuuliyiintii goobta ka hadashay  ayaa hambalyo iyo bogaadin u udiray kooxda  horyaalka  Soomaaliya Banaadir  SC waxayna kula dardaameen in ay  dadaalka halkeeda kasii wadaan.  guusha ay dalka  gudahiisa ka gaareena ay ku dalka dibadiisa  ciyaaraha kooxaha Bariga iyo Bartmaha Afrika ay guulo kasoo hoyaan.
Dhanka kale waxaa  qudbadihii lasoo j eediyay aad loogu muujiyay  baahiyaha loo qabo in garoomadii dalka lahaa dib ay ugu soo laabtan kooxihii iyo xiriiradii maaluli jiray  lagan wada shaqeeyo suuragelinta  sidii ay u dhici lahady   wasiirka dhalinyarada iyo isboortiga oo goobta ku sugnaa aya dhankiisa sheegay in wasaaradu wado dadaalo ku aadan garoomada dib loogu heli karo taasoo muhiim u ah horumarka ciyaraha dalka.
Sidoo Kale  ganacsatadi goobta ku sugnaa ayaa dhankooda ballan qaaday in ay ka qayb qaadan doonaan  sare u qaadia isboortiga dalka waxayna xafladan oo ahady tii ugu wanaagsanayn ay koox dhigato ay kusoo dhamaaday jawi dadan.
Ugu dambayn waxaa maamulka kooxda Banaadir ay  Shahaado Sharaf la  guddoonsiisay masuuliyiinta  xaflada kasoo qayb gashay    iyo  Bahda Saxaafadda oo isugu jiray idaacado iyo Tv, waxayna Goobjoog FM noqotay idaacada kaliya ee sedex shahaado sharaf la guddoonsiiyay Maamulka Banaadir  ku qiimeeyeen doorkii wacnaa ay ka qaadatay horyaalka kubadda Cagta Soomaliya 2015-16
Kooxda Banaadir Sports Club ayaa  sanadkan u dabaaldegtay hanahsadsa horyaalka Soomaaliya marki shanaad taariikhda , waxayna marki labaad  ku guuleysatay iyada oo aan guuldaro la kulmin.
Daawo Sawiradda:
IMG_0297IMG_0305IMG_0308
IMG_0294IMG_0325IMG_0344IMG_0351IMG_0354IMG_0366IMG_0378IMG_0384IMG_0401IMG_0446IMG_0448IMG_0452IMG_0455IMG_0474IMG_0498IMG_0518IMG_0522IMG_0539IMG_0549IMG_0562IMG_0600IMG_0605IMG_0606IMG_0616IMG_0628IMG_0650IMG_0662IMG_0674IMG_0677IMG_0684IMG_0689IMG_0692IMG_0699IMG_0704IMG_0708IMG_0712IMG_0720IMG_0724IMG_0729IMG_0734IMG_0738IMG_0761IMG_0770IMG_0775IMG_0789IMG_0799