Sadex gool oo ay kala dhaliyeen Kkarzi, Borini iyo Dofoe ayaa u sahlay Sunderland iney gaarto guul ay u hamuun qabtay iyadoo ka baxday qadka guduudan ee looga laabto heerka labaad madama ay barbaro gool la’aan ah gashay Sunderland.
Sunderland ayaa hal dhibic ka fogaatay booska looga laabto heerka laabto horyaalka iyadoo waliba kulan baaqi ah gacanta kusii heysato, tababare Sam Allardyce iyo Jermain Dofoe ayaana looga mahdiyay guusha ay gaareen.
Sunderland oo u baahneed iney guuleysato si ay wax uun ugu tarto madama ay dooneyso iney ka baxdo boosaska looga haro horyaalka ayaa la ciyaartay kulan xiiso badan Blues oo aan waxba u hanqal taageynin xagaagan marka laga reebo in koox walba ay jeceshahay guusha.
Tababare Guus Hiddink ayaa isbadal ku sameeyay shaxdiisa isagoo kusoo bilaabay kabtan John Terry iyo sidoo kale Eden Hazard kaas oo kursiga fadhiyay kulankii Spurs.
Sunderland: Mannone, Yedlin, PVA , Kaboul, Kone, Kirchhoff, Cattermole, M’Vila, Borini, Khazri, Defoe
Keydka: Pickford, Larsson, Rodwell, N’Doye, O’Shea, Lens, Watmore
Chelsea: Courtois; Ivanovic, Cahill, Terry (c), Azpilicueta; Mikel, Matic; Willian, Fabregas, Hazard; Diego Costa
Keydka: Begovic, Baba Rahman, Loftus-Cheek, Kenedy, Oscar, Traore, Pato
Chelsea ayaa si firfircooni ah ku bilowday ciyaarta waxaana wax badan sameynayay Hazard, Willian, Cesc iyo Costa oo aad isku fahmay.
Diego Costa ayaa hogaanka u dhiibay Blues daqiiqadii 14-aad ee ciyaarta markii uu si an caadi aheen u dhameystiray kubad si lama filaan ah usoo gaartay madama Cahill oo kubada dhinac kale u wada ay ku dhacday daafaca Sunderland.
is fahamka xidigaha dhexe ee Fabregas, Costa, Hazard iyo Willian ayaa ka dhigay in qeybta hore ciyaarta ay aad ugu gacan sareysay kooxda Chelsea inkastoo Sunderland ay isku dayo badan sameysay walow aysan haliso badan galin goolka Blues.
Wahbi Khazri ayaa gool indho qabad leh shabaqa ugu shubay iyadoo Sunderland ay barbaro la timid daqiiqadii 41-aad ee ciyaarta Khazri kubad “Volley” ah ayuu shabaqa ku hubsaday goolhaye Courtios ayana awoodi waayay inuu jaleeco kubadaas.
Dhamaadkii ciyaarta Nemanja Matic ayaa hogaanka u dhiibay Blues markii uu caawinaad qurux badan ka helay Azpilicueta waqtigii dhimashada qeybta hore ciyaarta lugta bidix ayuuna ku dhamestiray xidiga reer Serbia.
Qeybta hore ciyaarta ayaa lagu kala maray (1-2) oo ay hogaanka ku heyso Chelsea, xilli Black Cats aysan u fiicneen natiijadaas.
Qeybtii labaad markii la isku soo laabtay iyadoo Sunderland ay u muuqatay koox ka xoog badan sidii hore, balse Diego Costa ayaa qasaariyay fursad uu hogaanka ugu dheereyn karo Blues markii uu kubad ku dhuftay goolhaye Victor Manone.
Fabio Borini ayaa barbaro u keenay Sunderland daqiiqadii 67-aad ee ciyaarta markii uu kubad qurux badan oo awood laheyd ka tuuray afka hore xerada ganaaxa isagoo caawinaad ka helay Patrick van Aanholt.
Jermain Dofoe ayaa mucjiso u rumeeyay Sunderland markii uu goolkii sadexaad daba mariyay goolhaye Thibaut Courtios, si qurux badan ayuu kubadda ugu koontoroolay xerada ganaaxa ka hor inta uusan darbo joog hoose ah shabaqa galin daqiiqadii 70-aad ee ciyaarta.
Willian ayaa u dhawaaday inuu barbaro u keeno Chelsea daqiiqadii 73-aad ee ciyaarta markii uu laad xor ah ku turay goolka Sunderland, balse goolhaye Victor Mannone ayaa si aan caadi aheen isaga saaray.
Mar kale Blues ayaa heshay fursad ay barbaro ku heli karto markii laad xor ah loo dhigay afka hore diilinta ganaaxa, balse Fabregas ayaa ku dhuftay safka Sunderland daqiiqadii 89-aad ee ciyaarta.
Sunderland ayaa ku guuleysatay iney difaac fiican sameyso iyadoo ku adkeysatay iney guul ku gaarto waxeyna hal dhibic ka durugtay booska looga dhaco heerka labaad.
Natiijada ugu dambeysa ayaana kusoo dhamaatay (3-2) oo ay guusha ku heshay Sunderland, waxeyna u noqon doontaa guul taariikhi ah, labada kulan ee u dhiman ayaana lagu ogaan doonaa hadii ay kusii nagaan karto Heerka Koowaad.
0 comments:
Post a Comment