Weeraryahankii hore kooxo badan oo qaaradda Yurub ka Dhisan iyo Xulka Qaranka Brazil – Luiz Ronaldo – ayaa aaminsan in Neymar Jr uu baaqi kusii ahaan doono garoonka Camp Nou xili xidigaan aad loola xiriirinayo inuu isaga tagi doono kooxda ka dhisan gobolka Catalonia.
Wagner Ribeiro oo ah wakiilka 24-jirkaan heerka caalami ayaa hindisay in xidigaan uu ku biiri karo Paris Saint Germain hadii ay bixiso qiimaha xidigaan lagu jabin karo heshiiskiisa.
Si kastaba Neymar ayaa sanad kale oo caaqibo leh ku qaadanaya Camp Nou wuxuuna bah wadaag fiican la noqday Suarez iyo Milan, Luiz Ronaldo ayaase aaminsan in xidigaan ay u wanaagsan tahay inuu hormarkiisa kasii wato Barcelona.
“Wuu joogi doonaa Barcelona” ayuu yiri xidiga ku guuleystay koobka Aduunka oo la hadlayay Canal+
“Uma maleynayo inuu ka tagi doono kooxdaan, wuu ku haboon yahay kooxda iyo magaaladaba, ma aamini karo in si dhab ah uu kaga tagayo kooxdaan”
Ugu dambeyntii weeraryahankii hore Santos ayaa dhaliyay 54-gool, 91-kulan oo uu saftay kulamada Horyaalka La Liga tan iyo markii uu 2013 kusoo biiray.
0 comments:
Post a Comment