Manchester United ayaa guul cidhiidh ah balse aad xili ciyaareedka kooxdeeda muhiim ugu ah ka soo gaadhay Norwich City, waxaana guushan Man United ka soo caawiyay Juan Mata oo goolka kaliya u saxiixay Red Devils. Dhinaca kale guuldarada soo gaadhay Norwich City ayaa xaalka ku sii xumaysay kooxda martida loo ahaa ee Norwich waxayna qarka u saaran tahay in ay heerka labaad u laabato.
Manchester United ayaa marti u ahayd kooxda Norwich City, wuxuuna kulankani ahaa kulan labada kooxoodba muhiimad gaar ah u lahaa. Norwich City ayaa dagaal ugu jirta sidii ay xili ciyaareedka danbe baaqi ugu sii ahaan lahayd Premier Leaque isla markaana ay uga badbaadi lahayd heerka labaad in ay udhacdo.
Manchester United ayaa iyaduna ku fikiraysay in ay soo yarayso farqiga dhibcaha ay kaalinta afraad u jirto, Red Devils ayaa maanka ku haysay in waxaan guul ahayn oo ay kala soo kulanto Norwich City ayaa halis wayn sii galin karto rajadeeda ah in ay Champions Leaque-ga u soo baxdo xili ciyaareedka danbe.
Tababare Louis Van Gaal ayaa kulankan ku soo shirtagay shaxdiisa ugu xoogan,wuxuuna soo doortay xidigaha kooxdiisa ugu muhiimsan laakiin Anthony Martial ayaa shaxda Red Devils laga saaray kadib markii uu dhaawac ku soo gaadhay iskululayntii kulankan ka horaysay waxaana lagu soo badlay Ander Herrera.
SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:
NORWICH CITY (4-4-1-1): Ruddy; Pinto, Martin, Bassong, Olsson; Redmond, O’Neil, Howson, Brady; Hoolahan; Jerome.
KAYDKA:Rudd, Whittaker, Jarvis, Dorrans, Naismith, Bamford, Mbokani.
MAN UNITED (4-1-4-1): De Gea; Valencia, Smalling, Rojo, Darmian; Carrick; Lingard, Mata, Herrera, Depay; Rooney.
KAYDKA: Romero, Fosu-Mensah, McNair, Borthwick-Jackson, Schneiderlin, Januzaj
Norwich City ayaa ciyaarta ku bilaabtay dardar fiican waxayna daqiiqadii 4 aad heshay fursad ay hogaaka ciyaarta kula wareegi gaadhay kadib markii uu Cameron Jerome bartilmaameedsaday goolka Man United isla markaana uu helay fursad fiican laakiin goolhaye David De Gea ayaa kooxdiisa halista ka badbaadiyay.
Manchester United ayaa fursado fiican abuuraysay balse fursad abuurista Man United ayaan ahayn kuwo halis badan keenayay iyada oo difaaca Norwich City uu iska ilaalinayay halista weerarka Man United ee uu hogaaminayay Wayne Rooney.
DAQIIQADII 15 aad dhawac kale ayaa soo gaadhay Manchester United kadib markii uu dhaawac soo gaadhay difaaca Matteo Darmian waxaana lagu soo badalay da’yarka Cameron Borthwick-Jackson. Manchester United ayaa weeraro deg deg ah ku raadinaysay goolka furitaanka basle Norwich City ayaa u muuqatay kuwo si dhiiran weerar toos ah ugu qaadayay goolka Man United.
Difaaca ree Italy ee Matteo Darmian ayaa awoodi waayay in uu garoonka kaga baxo lugiisa waxaana lagu qaaday sariirta dhaaca la saaro taas oo muujinaysa halista dhaawaca soo gaadhay Matteo Darmian taas oo shaki wayn galin karta ka qayb galkiisa Europa 2016 ee xulka qarankiisa Talyaaniga.
DAQIIQADII 29 aad Mancehster United ayaa markeeda heshay fursad fiican waxaana kubbad koorne laga soo tuuray madaxa ku helay Chris Smalling laakiin darbadiisa ayaa birta goolka wax yar umartay. Marka laga reebo fursadaha Cameron Jerome iyo Smalling qaybta hore ee kulankan ayaa ahayd mid inta badan khadka dhexe uu dagaalku ka socday waxayna qaybta hore ee kulankan ayaa ahayd mid lagu caajisay wxayna ku dhamaatay barbaro gool la’aan ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Manchester United soo laabtay iyada oo dardarteeda soo kordhisay laakiin markale ciyaarta ayaa sii ahayd mid fursadaha halista ahi ku yar yihiin isla markaana aanu ka maqnayn isku dayo goolal lagu raadinayay.
Xamaasada ciyaarta ayaa si gaabis ah sare ugu soo kacaysay iyada oo labada kooxood ay dagaal ugu jireen sidii ay ismari waaga uga bixi lahaayeen, waxaana markan jiray fursado goolal lagu dhalin karo oo labada dhinacba ah. Norwich ayaa qorshaheeda ciyaarta u badashay difaacasho iyo weerar deg deg ah.
DAQIIQADII 72 aad ugu danbayn Manchester United ayaa heshay goolka ay inta badan ku soo rafaaday, waxaana goolkan Red Devils culayska kaga dulqaaday Juan Manuel Mata kaas oo ka faa’iidaystay kubbad uu Wayne Rooney ka helay, laakiin kabtanka United ee Rooney ayaa marka hore u muuqday in uu goolkan dhaliyay basle waxa uu ku mashquulay naftiisa kadib waxa uu kubbada iska siiyay Mata oo si qurux badan kubbada u dhamaystiray, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Man United hogaanka kula wareegtay.
Difaaca Norwich City ee Bassong ayaa sameeyay qalad kooxdiisa dhibaato wayn u keenay kadib markii uu Rooney kubbad ka difacan kari waayay, Rooney ayaa kubbada la soo galay xerada ganaaxa Norwich, waxa uu iska farsameeyay difaaca ka horeeyay laakiin Rooney oo u muuqday in uu kubbada shabaqa ku darbaynayo ayaa degdegsiimadu ka luntay wuxuuna kubbada dib ugu baasay Mata oo oo markiiba kubbada shabaqa ku hubsaday. Norwich City ayaa ah kooxda uu Mata goolasha ugu badan ka dhaliyay kooxaha Premier Leaque-ga wuxuuna ka dhaliyay goolkiisii 5 aad.
Norwich City ayaa bilawday in ay raadiso goolka barbaraha si ay ciyaarta dib ugu soo laabto, Van Gaal ayaa markii ay kooxdiisu heshay goolka furitanaka ciyaarta ka saaray Jesse Lingard wuxuuna kaydka uga yeedhay Morgan Schneiderlin si uu natiijada ugu difaaco.
Si kastaba Manchester United ayaa awooday in ay ilashato goolka kaliya ee uu Mata udhaliyay waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay 1:0 ay Man United ku soo gaadhay guul ay ku rafaaday balse xili ciyaareedka kooxdeeda muhiim u ah. Manchester United ayaa hal dhibic oo kaliya u soo jirsatay Manchester City oo kaalinta afraad ku jirta. Red Devils ayaa 36 kulan ka heshay 63 dhibcood halka Manchester City ay 36 kulan ka heshay 64 dhibcood.
0 comments:
Post a Comment