Maalin wanaagsan dhamaan akhristayaasha qiimiga leh ee ku xiran shabakadda Laacib.net, waa xubintii aan idinkugu soo xariiqi jirnay wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda iyo waxyaabahii xanta ahaa ee aan kasoo aruurinayay warbaahinta Dunida Kubadda Cagta.
Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda wali ma ahan mid furan, balse koox walba waxey sii eeganeysa xidigii ay u dhaqaaqi laheed marka uu furmo bartamaha sanadkaan.
Manchester United ayaa wakiilo soo daawada u dirtay da’yarka daafaca uga ciyaara West Ham Reece Oxford, sidoo kalana Man City iyo Arsenal ayaa xiiseynaya 17-jirkaan heerka caalami. (The Sun)
Tottenham Hotspur ayaa looga digay iney baacsato Cheikhou Kouyate kaas oo 26-jir ah kadib markii ay West Ham ay weydiisatay dhigeeda iney iyana kusoo wareejiso 22-jirkooda Harry Kane. (Mirror)
Bournemouth ayaa dalab 6 Malyan Oo Pound ah u direysa kooxda Tottenham Hotspur iyadoo ka dooneysa xidigeeda khadka dhexe Ryan Mason. (Evening Standard)
Alexis Sanchez ayaa mugdi galiyay mustaqbalkiisa Arsenal kadib markii uu ka xumadaay badalkii lagu sameeyay kulankii Norwich City isbuucii hore, 27-jirkaan ayaana laba sanadood ay uga hartay qandaraaskiisa koxda. (Telegraph).
Everton ayaa isku diyaarineysa iney markii labaad dalab u dirto daafaca Bolton Rob Holding kaas oo lagu soo diiday dalab 10 Malyan Oo Pound ah oo ay u dirtay. (talksport)
Arsenal ayaa xiiso ba’an u qabta 21-jirka AZ Alkamar iyo xulka Holland Vincent Janssen, kaas oo gool ka dhaliyay England ciyaartii saaxiibtinimo ee dhexmartay Holland vs England bishii Maarso. (Mail)
Wakiilka Paul Pogba ayaa hoos u dhigay wararka sheegaya in xidigaan Juventus ka tirsan uu Chelsea kula biirayo Antonio Conte. (Evening Standard)
Xidigii hore Newcastle United Haten Ben Arfa ayaa looga gacan haatinayaa horyaalka Spain gaar ahaan kooxda Barcelona. (talksport)
0 comments:
Post a Comment